Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

Xafiiska Wasaarada Maaliyada Ee Gobolka Sool Oo Iridaha Loo Furay
September 29, 2008


Waxaa si rasmi ah loo furay iridaha wasaarada maaliyada ee Gobolka Sool tan iyo intii maamulka Somaliland uu soo gaadhay xarunta Gobolka Sool ee Laascaanood iyadoo wasaaradani ay kamid ahayd wasaaradaha far ku tiriska ah ee aan ka furnayn Gobolka taas oo ay shacabka magaalada Laascaanood si wayn u sugayeen inay arkaan wasaarada maaliyada oo ka shaqaynayasa Gobolka Sool.
Waxaa soo gaadhay magaalada Laascaanood wafdi balaadhan oo uu hogaaminayo Agaasimaha guud ee wasaarada maaliyada ee Gobolka Sool Axmed Daa'uud Geedi iyo Agaasimaha canshuuraha barriga Wali Daa'uud Cigaal iyadoo sidoo kalena ay la socdeen saraakiil fara badan oo ka socda Wasaarada maaliyada kuwaas oo bilaabi doona sidii ay u shaqayn lahayd wasaaradu tababobarana siin doona shaqaalaha cusub ee wasaarada maaliyada.

Sidoo kale waxaa la socday saraakiisha wasaarada maaliyada ee JSL xisaabiyaha Gobolka Sool ee wasaarada maaliyada Axmed Cabdi Cige horena uga tirsanaan jiray wasaaradii maaliyada ee Gobolka Sool ee maamulkii horay uga arimin jiray magaalada ee Puntland isagoo Axmed Cabdi cige mudooyinkii danbe ku maqnaa xurunta Somaliland ee Hargeisa.

Mar aan wax ka waydiinay furitaanka xafiiska iyo wax qabadkiisa Agaasimaha Guud ee wasaarada Maaliyada Axmed Daa'uud ayaa waxa uu sheegay in hadda la dhaqaanin doono xafiisyada Canshuuraha barriga,Kastamada iyo Xisaabaadka iyadoo hadda lasoo raray ayuu yiri kastamkii Caynaba hadda wixii wax ka danbeeyana kastamku ahaan doono barriga magaalada Laascaanood.

Hadaba Wasaarada Maaliyada ee hadda soo gaadhay magaalada Laascaanood ayaa waxa ay wadaa bilaydho iyo buugaag labo boqol oo baabuur ah kuwaas oo lagu samayn doono canshuur dhaaf taas oo ahayd mid horay Dawlada Somaliland ay ugu balan qaaday shacabka reer Laascaanood kadib markii ay soo gaadhay magaalada Laascaanood.

__

Source: Qaran News



 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp