Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

Prime Minister Iyo Somaliland - Part 2
September 29, 2008 - Qoraalkii: Axmed Yuusuf Ducaale


Nidaamka Dawladeena iyo maamulkeenu ku dhisan yihiin wa nidaamka loo yaqaan, "Nidaamka Maddaxweynaha "(Presidential System). Runtii, waa waxaad ogtahay makuu sheegaa. Nidamkan Madaxweynaha awooda fullinta waxaa iska leh Madaxweynaha, awoodaas oo Golaha Wasiiradu ka kaalmeeyaan.

Waxuu kaga duwanyahay nidaamkan Madax weynuhu nidaamkii kale ee parlamaanigga ahaa ee aynu hore u tilmaanay, Madaxweynuhu isagoo ah Madaxweyne Fullineed ( Executive President), xilka kuma waayi karo, cod kalsoonia ah oo Golaha Parlamaanku u qaado. Geeri, cudur oo hawshiisa ku fullin waayo iyo Impeachment labadda gole isku raacaan. Impeachmentku intaanu gaarin Golaha Guurtida waa in uu Golaha Wakiiladu 2/3 (3 daloolow laba dolool)ku ansaxiyaa. Mar kaliya ayaa intaan xusuusanahay, Impeachment lagu qaaday Madaxweyne reer somaliland ah. Waa markii ay Marxuum Cigaal xubno Golaha Wakiilada ka mid ahi ku soo oogeen maamuus ka xayuubin. Kumey guuleysan, waayo mey gaadhin 2/3 larabey .

Nidaamknan Madaxweynuhu uu awooda fullinta leeyahay, waxa uu ka badbaadinayaa dalalka nidaamkaa ku dhaqma, Is-bedel xukuumadeed oo marwalba ku yimaada. Dalalka nidaamka baarlamaniga ah ku dhaqma, weliba kuwa hore umaray waa caadi in Primr Minister kastaa, kalsoonida baarlamaanka waayo, kadibna uu dhaco oo prime minister cusub xilka loo dhiibo.

Dawladda talyaaniga, haddaynu tusaalo usoo qaadano taas oo nidaamka barlamaaniga ah ku dhaqanta ku dhawaad tiraba ilaa 60 goor ayaa prime-Minister la magacaabay, laga soo bilaabo dagaalkii 2aad ee caalamiga ahaa illaa maanta oo aynu joogno 2008. Waxaa la
hellayaa dhawr nin oo Prime Ministernimadda, mar inka badan qabtay. Wuxuu Talyaanigu ugu adkeystay is-bedelladaa badan ee xukuumiga ah, Dimuqraadiyada oo guun ah iyo dhaqaalaha oo ku Madax banaan ah oo aanay fara gelinin xukuumaduhu iyo dalka oo aan ku nooleyn kaalmo dibadeed marka lagga reebo Marshal Plan-kii guud ahaanba Yurub uu mareykanku ku dhissay dhamaadkii dagaalkii dagaalkii 2aad ee caalamiga ahaa.

Innaga oo haddeynu reer somaaliland nahay, dhinac kastaba dhismaheenu yabyabad yahay, maxamili karnaa, isbadello badan oo xukuumadeena haleela, markasta oo Golaha Wakiilada la noqoto in uu kalsoonaanta kala noqdo? Jawaabtu waa maya. Somaliland is-bedel xukumadeed oo is dabba jooga maxamili karto danta guud ayaa ku jirta in aynu ku noolaano maamul degan xasiloon oo uu Madaxweynuhu muddadaa dhawrka sano ah ee dastuurku siiyay uu hoggaanka dalka uu hayo. Issaga oo sidaa u haya xilka ayuu Golaha Wasiiradiisa isku badelkooda iyo badhkood shaqo ka fadhiisintaba, uu gudan karaa. Waxyare badel,intaas aa nagu fillan.

Sidan dastuurku maanta u qoranyahay, Nidaamka barlamaaniga ah, meel ugama banaana. Haddeynu nidaamkaa qaata is nidhaa, waa in uu dustuurka ku dhacaa, waxkabadel xoogani.

Taana maanta Somaliland diyaar uma aha. Waxa xaqiiqada u dhow, haddii aynu isku dayno wax kabal xoogaa leh oo dustaarka ku saabsan in aynu dastuur la'aan ku dhacno.

Somaliland iyo dadkeedu way aqbaleen fikradda Madaxweynuhu fullinta leeyahay yeynaan ku furrin wareer cusub oo la xidhiidha nidaamka dalka lagu maamulayo. Haa waa in lagga wada muuqdaa xeerarka sare ee maamulka dalka iyadoo aynu tixgalineyno gobolada dalku ka kooban yahay. Haseyeeshee 'Madaxweynaha" lagama wada muuqankaro. Waayo? waa qof kaliya. Gobol uunbuu kasoo jeedaa, gobolkaasu kuu doona hanoqdee. Ana isa saxo. Madaxweynaha weynukawada muuqanaa. Waayo? Gobolkastoo oo dalka ah codbuu ka helay.

Pri Minister la abuuraa wax uu kordhinayaa xaaladeenu sidey maanta tahay, iima muuqdo. Aynu aamino nidaamkaa aynu kusoo dhaqmaynay laga bilaabo May 18 991 ilaa maanta.

3-da xisbi qarana haka fogaadaan in ay taageeraan fikradaa Prime Minister hala abuuro ah, dadweynuhuna Xisbiyadaha haku diidan.


Qoraalkii: Axmed Yuusuf Ducaale



 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp