| |
"Somaliland Hambalyo
iyo bogaadin Ayey Ku Muteen 17-kii sano Ee La Soo Dhaafay Ee Ay Ka Badbaadiyeen
Halaaga Dadkooda.” Madax/ Ismaaciil C. Geele
September 30, 2008
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Md.
Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ugu baaqay dalka Koonfurta Soomaaliya ee ay
dagaaladu ka socdaan inay ku deydaan xasiloonida Somaliland, isla markaana waxa
uu sheegay inuu taageersan yahay wax-qabsiga iyo nabadgelyada ka jirta
Somaliland,
Sida waxa uu Madaxweyne Geelle ku sheegay maanta mar uu khudbad ku wajahan
munaasibada ciidul fidriga uu shacbigiisa uga jeedinayey aqalka ummadda.
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele waxa uu qiray waxqabsiga Jamhuuriyada
Somaliland, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi "Somaliland hambalyo iyo
bogaadin ayey ku muteen 17-kii sano ee la soo dhaafay ee ay ka badbaadiyeen
halaaga dadkooda.”
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu inta raaciyey oo uu yidhi “Laba shir oo
qudha intay qabsadeen ayey dhamaysteen nabad iyo deganaansho in ay ku
noolaysiiyeen dadkoodii".
"Ixtiraam bay mudan yihiin [Somaliland] waa inay Soomaaliya eegtaan oo ay
yidhaahdaan waar raggani maxay yeeleen? Iyaguba qabiilooyin way leeyihiin, sidee
ayey u kareen inay midoobaan, oo muxaafid, mucaarid, oday, Guurti iyo ku kastaba
ay u wada hadlayaan.” Ayuu yidhi Madaxweyne Geele oo ah markii ugu horeysay ee
uu qiro hanaanka Dawladnimo ee ka hano qaaday Somaliland.
“Haddii khilaaf yimaadana halkaas lagu dhameynayo, iyadoo aan rasaas la isku
qaadan," ayuu yidhi Madaxweynaha Jabuuti.
Md Geele, waxa uu Koonfurta Soomaaliya ee ay ku hirdamaan kooxuhu, isla markanaa
qalalaasuhu ka jiro u soo jeediyay inay heshiiyaan, waxaanu tilmaamay inaanu
caalamku ka yeelayn Heshiis la'aanta ka taagan.
"Shirka Jabuuti lagu qabtay ee Soomaaliya ee ay Dawladda iyo Mucaaridku wada
hadleen ayaan Ilaahay uga baryeynaa inuu Ilaahay u soo dhiibo oo uu ka dhex
dhaliyo is afgarad, awood qaybsi iyo dejin ay dalkooda dejiyaan," ayuu yidhi
Madaxweyne Geelle.
Madaxweynaha Dawlada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele waxa uu ammaan u soo jeediyay
ciidamada dalkiisa oo dhawaan dagaal ka la galay wadanka Eriteriya, kaas oo ka
dhashay muran Xuduudeed.
|
|