Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

Madaxweyne Rayaale Iyo Ku-xigeenkiisa Oo Laba Masaajid Oo Kala Duwan Ku Kala Tukaday Salaada Ciidal Fidriga iyo Khubadihii Ay Jeediyeen
September 30, 2008


Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ayaa saaka kala qeybgalay kumanaan qof reer Somaliland Salaadii Ciidal Fidriga Masaajidka weyn ee musta-jaamacamaca ee Magaalada Hargeysa.

Madxweynuhu waxa uu shacbiga Ilaahay uga baryey inuu ciidan Ciideeda bash-bash iyo barwaaqo ku gaadhsiiyo.

“Ilaahay Waxaan ugu mahadnaqayaa amniga iyo iimaanka uu dalkeena ugu taliyey, Waxaanan Ilaahay ka baryayaa inuu inoogu sii wado” ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale.

Md. Rayaale waxa uu Hanbalyo u diray Shacbiga Reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan xuska Munaasibada Ciidal-fidriga awgeed. “Waxaan hanbalyo u dirayaa dhamaan ummada reer Somaliland meelkasta oo ay ka joogaan, waxaanan Ilaahay ka baryayaa inuu sanadkan sanadkiisa innaga oo sidan ka fiican inagu gaadhsiiyo”.

Madaxweynaha Somaliland waxa salaadda ciiddul fidriga wehelinayay Wasiirada Arrimaha Gudaha Md. Cabdilaahi Ismaaciil Cali [Cirro], Wasiirka Duulista Hawada Md. Cali Maxamed Waran Cadde,Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Guurtida, Md. Sh Axmed Sh. Nuux Furre, Maayarka Caasimada Hargeysa Eng Xuseen Maxamud Jiciir iyo Xildhibaano iyo Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Somaliland.

Dhinaca kale Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Md Axmed Yuusuf Yaasin ayaa isaguna salaadi ciidal fidriga kala qeybgalay Shacbiga reer Somaliland, oo isaga kula masaajidka 26 juune ee Magaalada Hargeysa, waxa uu sharciga reer Somaliland Ilaahay uga baryey inay sanadkan sanadkiisa ku gaadhaan bashbash iyo barwaaqo.

Sidoo kale waxa Magaalada Hargeysa, Salaadii ciidda lagu tukudaday Garoonka weyn ee Hargeysa stadium, Garoonka Xawaadle, Garoonka Guryo Samo, Garoonka Biibsiga iyo Masaajidada, waxaana Culimadu ay shacbiga u jeedinayeen khudbado diini ah oo ku saabsan munaasibada Ciida iyo fadliga bishii ramadaan, waxaana ay bulshadu iskugu hambalyeynayeen farxada ciidda.

Sida ay ku soo waramayaan Weriyayaasha Gobolada dalka ee Shabakada Wararka Hadhwanaagnews.com in guud ahaan gobolada iyo degmooyinka dalka si fiican looga ciiday, ciida salaadal fidriga oo maanta si farxad leh loo damaashaadayey.

__

Source: Hadhwanaag News




 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp