Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI
Marxuum Axmed Maxamed Guuleed (Jimcaale) Iyo Xusuuso Gaar Ah:
January 1, 2009


Weli waan xasuustaa. Marka aanu samayneyno 'Proof Reading" (Sixidda) Bogagga All-Liwa", midkaayaba bog ayuu saxi jirrey, kadibna labada bog baan is weydaarsan jirrey hadana. Midkaayaba boggii saaxiibkii saxay ayuu dib u sixi jirrey, si aanu khaladka issaga ilaalino. Weli bog uu saxay oon uga danbeeyay khalad kamaan helin, issaguse waxbadan, ayuu bog aan saxay uu iiga danbeeyay khalad kahelay. Awoodiisa arag yaab bey lahayd. Markaa annu All-Liwaa ka wada shaqeyneynay tafatirka wargeyskana uu madax ka ahaa, anna aan ku xigeen kiisa ahaa, waxaa hawshaa u weheliyey, maamulkii horseed Printing Press uu isagu ka ahaa maddax. Xaala ay sidaa ahayd, haddana hawsha wargeyska, waxaan odhankaraa, kamaan badsan jirin, marka laga reebo habeenka wargeysku soo baxayo oo aan ku raagi jirrey Madbacadda inta uu ka soo baxayo wargeysku. Wuxuu ku adkeysan jirrey in aanu hoyan wargeyskoo soo baxa maahee, laakiin aroos cusub oo uu markaa ahaa, ayaanan ka yeeli jirrin in aanu habeenimada ila soo jeedin.Wuxuu ku doodi jirrey, "maxaad iigu diidaysaa inaan taagnaado dhalashada tirsigga wargeyska, waa ilbidhiqsi dhadhan gaar ah lehe?  " Runtii bey ahayd Marxuumka oo dhadhan gaar ah ayuu wakhtigaasi lahaa tirsigu soo baxayaa. Markaad nuqulkaaga (Your Copy) aad isha ku dhufatid, habeenkii oon weli galban, dareen gaar ah ayaa ku maansheynaya hase yeeshee, waan ku qancin jirrey inuu dhakhso u hoydo oo inaga hawsha dhamaystirkeeda iiga tago, madaama aanan reer lahayn oo waxaan ku degdegaa aanu jirrin .

Dadka in yar baa og baan u malaynayaa , Marxuumku cod kar buu ahaa. Markuu ka hadlayo maxfalada N.U.F.ta (National United Front) Wuxuu iigu sawirmi jirrey aniga, nin lecture bixinaya oo degan. Hadalka muu boobi jirin. Jakirka uu gudbinayaa wuu qodobeysnaa, sababeysnaa, si qurux badana hadalku wuu isaga daba dhacayey. Dhageystayaasha, dhaqdhaqaaqu wuu ku yaraa. Waxaad dareemeysay inney hadalka si degan u dhadhansanayaan ileen muu ahayn marxuumku dadka hadalka dadejiya ee sidaan soo sheegay wuxuu u muuqanjirrey nin muxaadaro oo soo diyaar gareeyay, dusha ka akhriyaya. Dareenka in wax la keydiyo ay wanaagsan tahay ayaan markaa xog ahayn ee hadii guud ahaan hadaladii laga jeedin jirrey xisbiyada la duubo, maanta waxbadan beynu ka baran lahayn .

Marxuumku Cadan (Aden) buu ku dhashay oo uu ku barbaaray hadana Afsoomaaligiisu sidduu u xooganaa ayaan layaabay. Waa wax caadi ah, in caruurta dalka dibbadiisa ku dhalataa innaanu afsoomaaligoodu sida xoog u lahayn. Waxa markey hadlaanba lagartaa, qaabkey erayada ugu dhawaaqayaan in wax ka dhiman yihiin. Waxaa la odhan karaa wakhtigaa Marxuumku ku barbaarayey Aden inney Adenba ahayd magaalo Soomaaliyeed.Waayo maamulkii Ingiriiska ee Somalilandba iyo Aden ba haystay ayaa fududeeyay in dad badan oo Somaliland u dhashey ay Aden degaan. Afsoomaaliga marxuumku mid aad usareeya ayuu ahaa, markuu ku hadlayana lama dareemi jirrin in afsoomaaligiisu yahay ku dibad kusoo barbaaray. In aniga iga Afsoomaali badnaa ayaan aaminsanahay, hadaan weydiiyeyna, wuxuu iisheegay inuu dadaal gaar ah u galay siduu afsoomaaligiisa sare ugu qaadi lahaa .

Dhaxalka uu kadtegay marxuumku ee la xidhiidha Afafka ama afsoomaaliga waxaa ugu mudan Dictionary Ingiriisi iyo afsoomaali ah hadaan xusuustu iga xumaan kaasoo ahaa qiyaastii 3000kun oo eray. Websterka intii soo qaatay ereyadoo sharxi karo oo bilaabo inuu sharxo. Naxwaha afsoomaaliga oo markii laqorey afsoomaaliga lasoo saaray isagoo bilow ah ayaa waxoogaa ku adkaan jirrey oo uu marmar dadka wax ka weydiin jirrey hawshaasi sidey u dhantahay gacanbuu ku qorey. Weli in aan la garaacin baan umaleynayaa waxyaabaha u gaarka ahaa, markay qorrid timaado, waxaa ka mid ahaa, far qurruxsannida, Ingiriisiga iyo Carabigaba. Malaha mar uun bey suura geli in hawshaasi ay iftiinka aragto oo la daabaco.

Dadka inyar baa og, sidaan xusuusanahay, in marxuumku ku gabyi jirrey Af Carabiga. Tixa Carabi ah oo dhowr ah, ayuu ii akhriyey, wakhtiyo kala duwan, mudadaa dheereydse aan is naqaanay waxaa sigaar ah iigu dheggen ilaa maanta Qasiidu Carabiya; taas oo u tiriyey Sheekh Isaxaaq Ibnu Axmed oo isagu jirta, ammaan Tawasu iyo Duco. Qasiidadu (Ta;) 'bey ku dhamaataa oo waa "Taa'iyad. Kama dhacdo marka laga rab dhiggo Taa'iyadii Ib-nul-Faarid ee caan ka ahayd Xusuustaa gaarka ah eela xidhiidha in uu Afcarabigga ku gabyi jirrey, waxaan ku iftiiminayaa aqoontiisa afcarabiggu siddey u qoto dheereyd.

Abyaada shicirka Carabiga ah ee uu dusha ka hayey iyo siduu munaasabad kastaba ugu sahlaneyd, innuu soo dhufto beyd munaasabadaa tilmaamaya ayaa iyana layaablahayd . Saddexdaa Af, Soomaali, English iyo Carabi iskugu midbey ahaayen. Shaki kuma jirro in uu tarjamadda ku xeeldheera hawl oo cimrigiisa in badan ku qaatay in ay soofeysay oo ay il iyo lafba ka dhamaysay, aqoontuu u lahaa saddexdaa af.

Aqoon ahaan, wuxuu ahaa nin aqoontiisu waasactahay oo aad wax u akhriyey. Waxyar oo aan sidaa u sii ridneyn ayaa tilmaami kara qofka ilaa heerka uu qofkaasi xadaariyahay. Hadyadihii uu saaxiibadii u keeni jirrey ayaan xasuustaa. Inta badan waxay ka koobnaayeen Macawis Xariir ah iyo quraarad Cadar ah oo kuwa ugu sareeya ah. Hadyadii ugu danbeysey ee uu ii keeney waxay ahayd Macawis Xariir ah iyo quraarad Cadar ah oo Dakkar ah. Sidaan cadarkaa ula dhacay mudaan isticmaalaayey waxa kale oo ay xusuusteedu igu dheertahay shandad weyn oo kutub ah, taas oon Qaahira kaga immi, xilkuu iska saaray, uu Canada igaga daba keeney markuu yimid.

Xusuusaha gaarka ah ee marxuumku wey badanyihiin laakiin intaa aan taabtaabtey ayaan ku kaaftoomayaa, aniga oo dareensan inuu xoogaa culeys ahi iga dhacay, xusuustaa aan maanta xasuustay Marxuun Axmed Maxamed Guuleed (Jimcaale) oo maanta oo kale 1-dii January,1992 ku geeriyoodey Qaahira, halkaana lagu aasay waxaa kasoo wareegtay 17yrs. Wakhtigu dheereeyee . Inney shalay ahayd baad moodaa. Allah ha unaxariisto issaga iyo maytideeda kalena Ameen.


Axmed Yuusuf Ducaale
 




 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp