Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI
Gudoomiyaha Kulmiye Laba Bilood Oo Uu Ka Maqnaa Ka Dib Muxuu Kula Soo Guryo-noqday Somaliland?
July 2, 2009

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa wadanka ku soo guryo-noqday ka dib markii oo dhamaystay socdaal muddo ku dhow laba bilood qaatay uu ku soo gaalaa-bixiyay qaar ka mid ah wadamada Yurub oo uu ugu horeeyo wadanka Ingiriisku.

Md. Siilaanyo oo gurigiisa saxaafada ugu waramayay ka dib markii ka soo degay Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal ayaa waxa uu ugu horayn faahfaahin ka bixiyay waxa uga soo qabsoomay safarkiisaas mudada dheer qaatay iyo waxa uu kula soo guryo-noqday Somaliland ee uu u sido waxaana uu hadalkiisa ku bilaabay sidan; “Maanta farxad wayn bay ii tahay inaan ku soo noqdo dalkii Somaliland, muddo laba bilood ku dhaw ayaan maqnaa, Yurub ayaan gaadhay, waxaan ku soo wareegay dalkan Ingiriiska gobolo badan oo ka mid ah waxaan tagay Sweden, Norway, intii aan wareegayay dawladihii aan dhulkooda wareegayay waxaan la kulmay masuuliyiintooda, waxa kale oo aan si wayn ula kulmay dadweynaha reer Somaliland ee dibadaha ku nool meel ay joogaanba, oo aan shirar waawayn u qabtay, kuwaasoo aanu ka wada doodaynay, kawada arrinsanaynay arrimaha qaranka Somaliland meeshay marayaan.” Ayuu yidhi Md. Siilaanyo waxaana uu shaaca ka qaaday waxyaalihii ugu badnaa ee la waydiiyay intii uu wadamaas marayay inay ugu waynayd arrinta uu ku xidhan yahay guud ahaan mustaqbalka Somaliland, waa arrinta doorashada lagu waday inay dalka ka dhacdo 27 bisha September. “Intii aanu wareegaynay dunida iyo dadkuba waxay aad u xiisaynayeen, oo aad u danaynayeen halka Somaliland marayso, meesha ay ka taagan tahay geedi-socodka dimuqraadiyada, werwerka iyo baqdinta ay ka qabaan inay doorashooyinku dhici waayaan, iyaga oo mar walba arkayay markaan macal duwalka kudaro inay caado noqotay doorashooyinka dib loo dhigayay. Waxaan anigu isku dayay oo aan isleeyahay waad kuguulaysatay in aan cid walba ka dhaadhiciyo in aanay markan warwareeg dambe jirin oo doorashadii qaranku ay dhici doonto wakhtigeedii. Laakiin halkaas waxaan ugu tagay shaki badan iyo walaac ay dadku ka muujinayeen oo ka muuqatay su’lahooda ma laga yaabaa hadii ay Somaliland doorashadu doorkan ka dhici waydo in loo arko sidii qaybo kale oo ka mid ah dhulkii Soomaaliyeed. Annagu walaacaas waanu ka baabiinaynay, waxaanuna mar walba ku guubaabinaynay inay mar walba naga taageeraan dimuqraadiyada inay soo diraan cid doorashooyinka ilaalisa, inay dhaqaalaha wax naga taraan, in ictiraafka aanu raadinayno wax nagala qabtaan ayaanu mar walba ku guubaabinaynay.”

Gudoomiyaha oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay rajada uu ka qabay markii uu diyaarada la socday in dadka soo dhawaynaya ee madaarka ku sugayay laga hor-istaago inay gudaha madaarka galaan iyaga iyo masuuliyiinta xisbigooduba ayaa waxa uu ku jawaabay; “arrintaas aad iyo aad baan uga xumahay, markaan isa soo taagay baa lay sheegay in taageerayaashii badnaa iyo shacbigii aan arkayay in laga joojiyay in loo ogolaado inay gudaha nagaga horyimaadaan, taasi xaq maaha waa gardarro aad iyo aad umutaxan, waa mid muujinaysa dareenka ay dawladu qabto iyo waxa ay doonayso inay ka muujiso, waa arrimihii laga hadlayay. Uma muuqata dawlada inaan maanta ahay musharax u taagan Madaxweyne oo aan leeyahay oo aan leeyahay sharciyada iyo distoorka uu leeyahay qof madaxweyne u sharaxan. Xaq baan u leeyahay in taageerayaashayda iyo masuuliyiinta xisbiga inta Ina Rayaale ka horimanaysaa inay halkaas igaga hortimaado, sida isaga oo loogu ogolaaday in laygu ogolaado ayaan xaq u leeyahay aad iyo aad baan u dhaleecaynaynaa, waanuna ka xunahay, waanuna ka hadli doonaa arrintaas.waxay tusaale u tahay waxyaalaha mar walba arkayo ee laga qaylinayo ee aanay dawladaasi marnaba daacada ka noqonayn inay doorasho loo siman yahay oo cadaalad ah, shaki wayn bay ka bixinaysaa in aanay musharaxiintu u sinaan Karin Hay’adaha qaranka ee ay ahayd inay u sinaadaan, arrintaas meel wayn baanu iska taagaynaa, dacwad adagna waanu ka galaynaa.”

Mar uu ka jawaabayay waxa taageerayaasha xisbigiisa ee uu kula kulmay qurbuhu inay gacan dhaqaale soo siiyeen waxa uu yidhi; “Runta markaan kuu sheego aad iyo aad bay u badan yihiin taageerayaasha kulmiye, meelaha aanu maraynay xisbi uun lamaan kulamayn, mujtamaca oo dhan baan la kulm ayay, meelaha qaarkood wakiiladii udub ayaa kaga baxay oo yidhi UDUB baanu ka baxnay KUlmiyena waanu ku biirnay.”

Ugu dambayntii Md. Axmed Siilaanyo oo la waydiiyay maadaama uu kaambaynka doorashada dhinaca qurbaha ka waday, intii uu maqnaana uu Madaxweyne Rayaale uga faa’iidaystay inuu dalka booqasho kaambayn-garaysan ku soo maro gobolo badan, kuwo kalena lagu wado inuu dhawaan u ambabaxo, bal in uu isaguna qorshaynayo safari noocaas ah inuu ku tago gobolada waxa uu xusay in Madaxweyne Rayaale u diiday Madaxda Axsaabta Mucaaradka ah inay u socdaal gobolada isaga oo ku macneeyay arrintaas in aanu bilaabmin kaambaynkii doorashooyinka, hadana waxa uu nasiib-darro ku tilmaamay Gudoomiyaha Kulmiye inuu Madaxweynuhu iyada oo aan la gaadhin wakhtigii Kaambayn oo gobolada ka kaambayn gareeyay.


Source: Somalilandpress






 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp