Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

Jawaabtii :

                  Waaq waa kuma ?

                      

      Mursal Hussein

Nofember,2009    

Mareegta Farshaxan

Asalaama Calaykum Warraxmatullaahi Wabarakaatuhu

“Qoraalkani wuxuu jawaab celin u yahay qoraal ku soo baxey mareegta farshaxan oo ku sumadaysnaa –Waa kuma Waaq-,waxaana  qoraalka leh qoraha magaciisu kor ku xardhan yahay”

Salaantaa Islaamka ayaan  dhamaan dadka Muslimiinta u gudbinayaa,salaantaa ka dib waxan jecelahay in aan wax ka sheego Soomaalida oo Dhaqankeeda iyo Afkeedu ka mid yahay waxyaalaha sugaya Taariikhda iyo Caadada Bulshadaasi leedahay,waxa ciddii doonaysa inay wax ka sheegto Taariikhda Ummadda Soomaaliyeed u noqdaan oo daliil ka dhigtaan,dad aan Soomaali ahayn oo badiyaa ah Gaalo luminaysa oo jarahabaabinaysa xaqiiqada,laba sababood darteed: 

1-Marka hore iyagoo aan aqoon buuxda u lahayn Mujtamacan iyo sooyaalkiisa taariikheed,                                                                                                                          2-Iyo  inay cadaw u yihiin cid kastoo Islaam ah oo intay awoodaan isku deyayaan inay khaldaan xaqiiqada taariikheed ee Ummadda Muslinka ah.

Waxa dad fara badani raaceen hummaaggaa been abuurka ah,oo waxad arkaysaa qof Soomaali ah oo rumaysan oo weliba ku faanaya in Soomaalidu gaalo ahaan jirtey!,  waa ayaan darro,Soomaaliduna waa Bulsho da' yar oo Islaam mooyee aan diin kale arag,oo ah durriyaddii Culimadii diinta Islaamka fidinaysey,ma aha in xaqiiqada la iska indha tiro,oo nidaamka qabyaaladeed ee bulshadu adeegsadaa sii fogaan,heer uu gaadho,in asalkeenna aan u diidno cadaawad iyo colaad la inoo geliyey dadka aynu asal ahaan ka soo jeedno,oo ah Carabta haddaad asalkaaga diiddo,halkaad ku tiirsanaysaa oo halkaad ka timi,Alle wuxu shucuubta iyo qabaa'ilka u abuuray si la isugu garto,oo silsilad la raaco oo qofka asalkiisa lagu helo uu u noqdo,waxa la yaab leh in nin gaal ahi yidhaahdo Soomaalidu dhiigga xoolahay cabbi jireen,oo qaar Soomaalidii ka mid ahi la shir yimaadaan,waxaasi uma qalmo bulshadan aan Islaam mooyee diin kale arag,waana gef lagu taageerayo saancaddaale doonaya inuu taariikh madaw bulshadan u sameeyo,waxa fiican qofka cilmi baadhayaa in aanu daliishan cid aan aqoon u lahayn bulshadan,metelan ninka sheegaya in dhulkan ay degganaan jireen dad dhiigga cabbaa,ma ay ahayn Soomaali ee Ummado kale ayay ahaayeen,Dadka Soomaalidu waqti dambe ayay dhulkan soo degeen,Awoowayaashii intoodii badnayd xabaalohoodii iyo qabriyadoodii baa weli jira oo la yaqaannaa,taasi waxay kuu caddaynaysaa in waqtigoodu dhowaa oo qarnigay geeriyoodeen la heli karo,oo cilmi baadhis lagu heli karo,dadka ku abtirsadaana ku gaadhaan tiro go'an oo halkaa laga xisaabin karo,da'da bulshadan.

Midda kelmedda Waaq ku saabsan dad fara badan ayaa khalad u arka,oo in diin kale oo aan Islaamka ahayni jirtey sheegay,waa ina wax kaama jiraan,oo waa aqoon darro ah  natiijo ka soo baxday gaalo Bulshada diinteeda la dagaalamaysa,oo si aan taxadir iyo digtooni ama fiiro iyo dhugasho lahayn loo raacayo.

Kelmedda Waaq waa kelmed carabi ah oo macneheedu tahay ilaaliye,haddii xaqiiqada laga hadlayo oon la is indha tiraynin cidda awood ay wax ku ilaaliso lihi waa Alle keliya,waxanay ku soo aroortay Quraanka dhawr jeer ooy ka mid tahay:

...فأحذهم الله بذنوبهم وما كان لهم من الله من واق(غافر)

Aayadda:Alle ayaa ku qaadaya denbiyadoodii ugamana sugnaanin xagga Alle cid ilaalisaa.

Waaq waa kelmed falkeeda amarka ahi ka kooban yahay xaraf keliya oo isbedelladiisa mara:

ق،مثلا: ق نفسك من الهوى- - ربّنا ءاتنا في الدّنيا حسنة وفي الآخرة حسنة وقنا عذاب النّار((duco

 -Fal amar:ilaaliق

Ka ilaali naftaada hawada:ق نفسك من الهوى

:ilaalinta ayaa ka khayr badan daaweyntaوقاية خير من العلاج

ربّنا ءاتنا في الدّنيا حسنة وفي الآخرة حسنة وقنا عذاب النّار

Duco:Rabbiyow na sii dunida wanaag Aakhirona wanaag oo naga ilaali cadaabka naarta.

Magacyada Qabiilooyinka qaar waaq ku jirto,tarantooda iyo jiridoodu way ka dambeysey Islaamka,markaa wax cilaaqo ah lama leh sheekadaa kale,oo sidoo kale marka la leeyahay waa waaqla',oo macneheedu yahay cid dhaqaaqda laguma oga,markan macna waaq kii hore wuu ka geddisan yahay oo waa wax cod ama sanqadh ah,tusaale marka tukuhu ciyayo waxa la yidhaahdaa wuu waaq leeyahay,markaa macnahan labaad oo soomaali ah,wax cilaaqo ah lama leh sheekadii gaalada iyo gaala kalkaalka.

Waxa Bulsha kasti ku faantaa Taariikhdeeda ah mid sugan ee la hubo ee aan cid kale u soo werin ee iyadu dhexdeeda ka xaqiijiso,Bulshadeennu waxay wax isugu gudbisaa sheekooyin,gabayo…iwm oo waa halka qaar ugu yeedhaan oral society, wax haba yaraatee ka marag kacaya in dad Soomaaliyeed oo Awoowayaasha qabuurahooda la yaqaan oo Islaannimo ku geeriyooday mooyaane wax sheegayaa ma jiraan oo aan ahayn gaalo aan aqoon u lahayn bulshadan.

Kelmedaha la kala sarrifo ee la kala qaado,waa mid aan soconaynin oo kelmed kasti taariikh bay leedahay iyo tixraac,sida barwaaqo oo kale looma kala qaadi karo bar iyo waaqo, oo haddii Waaq laga hadlayey waaqo waa ka gedisan yahay,barwaaqona asalkeeda iyo taariikhdeeda waa la hayaa,haddii sidaa loo tafaariiqaynayo kelmedaha,arrintu way isku dhexyaaci lahayd,oo wax maskaxda ka fog baa soo bixi lahaa,metelan garwaaqsi,haddii sida saaxiibkeen sheegay lookala qaadayo kelmedda garaw mar waa Hadhuudh marna waa Garwaaqsi,ma wuxu saaxiibkeen u kala qaadayaa gar iyo aw,oo gar iyo Sheekh ah!kelmedaha in sidii la doono loo kala qaado iman mayso! Afkanna waa sida Ummadda ku hadashaa ugu hadlaan ee ma aha sida aan jeclaysanno.

Dad baa waxay ku doodaan in kelmedaha beri hore Afsoomaaliga soo galay ee ka mid noqday in aan la isticmaalin,oo la beddelo oo kelmedo soomaali ah la qaato.

waxa xusid mudan kelmedaha goor hore Afka Soomaaliga soo galay ee ka mid noqday dadka ku hadla lagama joojin karo waayo waxay la mid tahay aamus in qofka lagu yidhaahdo ilaa carruurnimadiisii kelmeduhuu adeegsanayey ma bedeli karo mana joojin karo,waxa mudan in la ogaado kelmed beri hore Afsoomaaliga soo gashay inay noqotay ooy ka mid tahay Afsoomaaliga laakiin taariikhda kelmedaas loo celinayo asalkii Afkay innaga soo gashay!,Adduunka afafka ka jiraa waa afaf isku badhxan oo midba midka kale ka soo amaanaystey baahidiisa(loan words),Afka ingiriiska ee Adduunka ugu horreeya waxa ka buuxa kelmedo afaf kale ah waana cilmi sugan waxanay u adeegsadaan si caadi ah oo taariikhdiisa ayay asalkiisa sheegaan laakiin hadda Afkan ama luqadan ayay kelmedani ka mid tahay!.

Waxa dadka qaar ku doodaan in Afsoomaaligu sii dabargo'ayo oo halis ku jiro!,waa wax aan la qaadan karin,oo aan marnaba suurtageli Karin,Afku ma dabar go'o ilaa iyo ay dadka ku hadlaa dabar go'aan,oo meesha ka baxaan,laakiin marnaba Afku kama horreeyo dadka ku hadlaya,Afkan waa lagu sheekaystaa,lagu gabyaa,lagu maahmaahaa,lagu kaftamaa,wax Af laga helo oo aan laga helini ma jirto,dadka ku hadlaana uma baahna oo baahi uma qabaan baroordiiq aan meesha oolin,Af ka sarreeya Afka Soomaaliga waxa la hayaa Afcarabiga,Af kale oo Soomaaligu biyo u cabbayaa ma jiro,Kelmedaha beri hore soo galay ee Afafka kale ka yimi way qaramoobeen oo waa Afsoomaali dadku adeegsadaan oo lama taabtaan ah!.

Sixid weedho iyo ereyo ku soo arooray maqaalkii Waaq warsanayey:

Afsoomaaliga iyo Af kasta waxa sharci ah in loo qoro sida loogu hadlo,waxa sharci u ah sida loogu hadlo,tusaale ahaan kelmedaha Afsoomaaliga ee ku dhamaada "L'da" oo kelmeddu dheddig tahay sida loogu hadlo,waa in L'dii loo bedelo "sh"sida calool,ul,wehel,tilmaamayaal:waxa haddii qodobka aqoonsiga ama lahaanshada lagu darayo,loo bedelaa "sh"oo noqonaysa:caloosha,weheshato,tilmaamayaasha…iwm. Qofka qora L'dii iyo sh'diiba ma qorayo Afsoomaaliga dadka lihi ku hadlo,waana khalad,sida qoraaga maqaalkani meelo badan khaladkaa u adeegsaday oo ka mid tahay kelmedda: wehelshato iyo kuwo kale.

Wuxu saaxiibka maqaalka qoray u adeegsaday kelmedda "waaq" meel kelmeddu sax ku tahay "waq" sida:

Cawskanow sabool diidow,
Waaq aan suuqa lagu dhigin oo
(12)

Soddon lagugu baayicin oo
Yaa sameeyey lagu odhon ee

 

Sida saxa ah:

Cawskaygow sabool diidow

Waq aan suuqa lagu dhiginoo

Soddon lagu baayicinoo

Yaa sameeyeylagu odhan

 

Waxa kale oo saaxiibkeen adeegsadey,kelmed aanan anigu hore u maqal oo siduu ku fasiray ii caddaysay wuxuu u jeedo,wuxu adeegsaday kelmedda: xaw-xawlaha,oo uu ku fasiray Afaf kale,laakiin waxan gartay inuu u jeedo xawlal mariidka xididka la yidhaahdo,waa mushkilad inaad Afkaaga u raadiso turjumaad oo aad fahmi weydo!.

Marka arrinku khuseeyo ciddaada iyo ehelkaaga ma aha in cid ka baxsan aad xogwaraysi u raadsato,oo aad u noqoto waxay tusaysaa liidnimo iyo inaad is yasayso,oo Ummaddaada aanad ku kalsoonayn,saaxiibkeen wuxu u noqday oo tisraacay dad gaalo ah oo aan aqoon dadkeenna u lahayn oo haysta fursad ay waxay doonaan ku daabacaan,markaa adigoo darkii ceelka jooga ha quud-darrayn cid ka fog:

M. Lewis oo xiganaaya Cerulli

(Bartles, 1983, Lewis, 1955 1956)

Nimankan gaalada ah ee aan dadkayga iyo dalkayga aqoon u lahayni waxba kama sheegi karaan,aqoon yahan Ummadda u dhashay baan wax ka dhegeysanayaa,waxa weli aan bogsan boogihii ay ku sameeyeen Afka Soomaaliga oo ay ku dareen Baho kale oo aanu ka tirsanayn markay ku dareen Afka Kuushiga,ma aha kamana mid aha Afafka Cushitic language-ka ee Afsoomaaligu wuxu la bah yahay Afcarabiga,waxana u daliil ah sharciga Afafka kaas oo dhigaya in laba Af ay isku asal yihiin markay wadaagaan kelmedaha aasaasiga ah sida Samada iyo Arlada iyo magacyada xubnaha jidhka kuwaas oo aynu  carabiga intooda badan wadaagno  sida:nasin,weji,jabhad,cune,raqabad,laab.sadri,qalbi,cudud,rug,cidhib iyo kuwo kale intaas iyo badhkeed ama inyar oo kelmedo aasaasi ah oo aan Oromada iyo Canfarta iyo kuwa Kushitiga la yidhaahdo la wadaagnaa ma jirto,qaar baa ku meeraysta kelmedda "Af"oo yidhaahda Kushitigay ka dhexaysaa,iyadoo kala qaab gedisan haddana waxa jirta in carabigu kelmedda Af u yaqaan fam,marka uu jamaca ama wadarta noqdona ay yidhaahdaa:Afwaah,haddaba kelmeddii Kushitigga naga dhexeysey carabtana way naga dhexaysaa,tiradaa kale ee badanna waan wadaagnaa ee weliba aasaasiga ah,sidee ayay suurtagal ku tahay in asalkayga layga fogeeyo oo lay madal habaabiyo,wax daliil ah ciddii ii keenaysaa waa ahlan wasahlan,ciddii gudcur gudaysana waa yeelkadeed.

Warka waa la hubiyaa

Waafi laga sameeyaa

Waaxyihiisa qayb qayb

Wanaag loo sargooyaa

Waaq waa ilaaliye

Waa erey carbeedoo

Weynoon baa awoodda leh

Waxtarkiyo ilaalada

Wejigiisu xaq yehee

Waqaad arrinka fahantaa

Waaxyihiisa baadhaa

Waayo'aragna noqotaa

Waaheenka gaalada

Warkoodaa ha qaadanin

Wadankana umay dhalan

Waayo'aragna uma aha

Weecin bay wadaanoo

Wanjalaad habow iyo

Waran sunta la mariyay

Weerar kuugu simaayaan

Waalidkii i dhalay iyo

Waayeelkaan ku tiirsado

Way diiddan yiinoo

Waqal bay ku qariyaan

Waxshi dhiigga cabba iyo

Wicil aan la garan oo

Walcankiisu lumay bay

Weyd iga sameeyaan

Waqaad arrinka fahantaa

Waaxyihiisa baadhaa

Waayo'aragna noqotaa

Warkana aad ka bogataa

Waxan Alle ka baryaynaa inuu innagu sugo xaqa oo inaga dhigo kuwo asalkooda sharafta leh ilaashada oo aan Ibliis iyo carruurtiisa u rixlayn oo u xaglin,sharaf waxa inoo ah in Ummadda marka mageceeda la maqlo la xusuusanayo Islaamka ayaynu nahay,waayo waxaynu nahay Bulsho wada Islaam ah,oo aan gaal laga helin,Islaamka waynu ku dhalanay waynuna ku dhiman doonnaa insha Allah oo Ehlul janno noqon doonaa.

As/w/w                                                                                                                          Mursal Hussein


 




 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp