Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI
Dhayal Umadaadan Dhiigaasi
October 29, 2009

Xigamada Eebeheen ayaa ahaatay in aynu noolaano maalmahan Muslimiintu sida gaarka ah ay u dhandhaminayaan , una dhamayaan imtixaan xidhiidh ah.Qof Muslin ah dhiigiisa oo xaqdarro loo daadaadiyaa Ilaahay agtiisa wey ka weyntahay Kacbada oo la dumiyo ,ayuu sheegayaa Xadiis ka mid ah Axadiista  Suubanoow Nebigeeni Sala-Allaahu Caleyhi Wa Salalam, laga weriyey. Maantana dhiigii Muslinka ayaa dhiig la daadiyo ugu qiimo jaban.Layaab malaha in Muslimiinta dalalka qaarkood, sida Thiland iyo Burma ,Muslin baatihiin loo dhibaa ama loo laaya.Waxa se layaableh in koox Islam sheeganaysaa, dad aan dagaal ku jirin oo dumar iyo caruur iyo ragt ba leh,ay isku dhex qarxiyaan, dadkas oo suuqyada magalada ka ganacsanaya sidii shalay kadhacday magaalada Peshawar Pakistan. Dad 100 ku dhow oo u badan dumar iyo caruur ayaa shalay halkaa ku xasuuqmay. Maxay geysteen? AQskar dagaalamaysa maaha. Xil Dowladeed mahayaan. Qofka falalka falkaa lamid ah Jihaad ku sheegaya, halka lagu xisaabayo Ilaahow hanajoojin .

Maanta oo kale, sanad kahor , qofka xafiiska UNDP, HGSA shaqo ugu soo kalahay, qofka xafiiska Ganacsigga ee Ethiopia, HGSA ugu soo kalahay in uu VISA ka qaato iyo qofka muraad uu lahaa ama shaqo uu u soo kalahay Madaxtooyada, ragga isku qarxiyey ee dadkaa laayay 30 ku dhawaa isla markaana dhaawacay another 30 daliilkey u haystaan(1) Naftoodey dileen (2) 60 dadkaa badhna ay dileen Badhna ay dhaawaceen daliilkey u haystaan maxaa waaye?Aayadey u cuskanayaan waa tee?Xadiiskey u cuskanayaan waakee?diinta Islaamka Allah ha u gargaaro . Maxaa magaca Diinta Naxarista ah Loo adeegsanayaa falal Jaanama lagu tago!

Dhayal uma daadan dhiigaasi dadkaa maalintaa la laayey ee waxay ku biireen taxanihii  shuhadadii Islaamka ee kuwii ugu horeeyey ee ay mushrikiintii Maki meydkooda dhigtay jidadka magaalada . Waxay ku biireen khulafadii gardarada loo laayey, Cumar,Cismaan iyo Cali Allah raali haka ahaadee .Waxay ku biireen shuhadadii uu hogaaminayey Sayid Xuseen Cali Ibni Abi-Daalib e dhaman ahaa  Aalu-ul-beydka, Allah raali haka ahaadee.Waxa ay ku biireen taxanahaa aan kala go a lahayn ilaa suurta la afuufayo .Denbiyadaa kuwii geysteyna waxaa sugeysa maalin uu tilmaanteeda u Quraanku ku dheeraaday;waa ku wii falalkaa Allah ka fogaanshaha ah geysteyna ha ogaadaan kuwii taxanaha aynu soo sheegnay laayey iyo iyaga in meel lagu wada xisaabidoono.



Somalilandhorta


 





 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp