Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

Naadi Cusub Oo Lagu Magacaabo Naadiga Akhristayaasha Timacadde Oo Lagaga Dhawaaqay Magaalada Gabiley
September 26, 2009

 


Xaflad balaadhan oo loogu wanqalayay Naadiga Akhristayaasha ee Timacade oo lagu Magacaabo “Timacade Readers Club” ayaa xalay lagu qabtay Huteelka Askar ee Magaalada Gabiley, Xarunta Gobolka Gabiley. Waxana xafladan Daah-furka oo ahayd mid si wanaagsan loo soo agaasimay ayaa waxa ka soo qayb galay Masuuliyiin tiro badan oo u badnayd Abwaano ay ka mid yihiin Abwaan Axmed Aw Geedi Amiin(Dheeraad) C/raxmaan Maxamed Macalin(Baas) Abwaan Cabdi Cli Xirsi, Mukhtaar Xuseen Yay, iyo koox qorayaal ah oo ay ka mid yihiin: Boobe Yuusuf Ducaale iyo Xasan Cabdi Madar, sidoo kale waxa iyagana lagu casuumay Guddoomiyihii hore ee Dallada Dhallinyarada Somaliland ee Sonyo Dr.Maxamed Yuusuf Aw Cali (Culimo) ,xubno ka socday Ururka wadaniga ah ee Hayda, Ururka Wadaniga ah ee Soyda, Xubnaha Naadiga iyo Marti sharaf kale oo aad u tiro badnaa.

Guddoomiyaha Naadiga Akhriska ee Timacade Readers Club, Mahdi Sheekh Cabdi, oo ugu horayn halkaasi hadal ka jeediyay ayaa u mahad celiyay dhammaan ka soo qayb galayaasha oo iyagu masaafo dheer u soo maray ka qayb galka xaflada. Waxaanu si gaar ah ugu mahad celiyay qorayaal aad u tiro badan oo Naadiga ugu deeqay Buug tiro badan oo ay iyagu qoreen kuwaasi oo ay ka mid yihiin Qoraaga caanka ee C/raxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe), Xasan Cabdi Madar, Jaamac Muuse Jaamac, Dayib Askar, Jamaal Cali Xuseen, Jaamacada Lucy University, iyo kuwo kale.

Mahdi Sheekh Cabdi, Guddoomiyaha Naadiga Timacadde Readers Club, waxa uu ka waramay sababta keentay in waqtigan ay sameeyaan naadi sidan oo kale ah, in ay tahay markii ay arkeen baahida loo qabo in dhallinyarada Reer Gabiley kor loogu qaado aqoontooda wax akhriseed iyo dhiiri galin loo soo sameeyo dhallinyarada inta badan hiwaayada u leh in ay wax qoraan. Mahdi sheikh waxa uu aad iyo aad ugu dheeraaday muhiimada ay wax qoristu bulshada u leedahay iyo kaalinta ay kaga jirto dhinaca horumarka. Isaga oo sheegay in ay yihiin koox dhallinyaro ah oo isku xil qaantay hirtalinta arinkaasi oo ah mid aad u wayn bulshada, Aqoonyahanka iyo Masuuyliyiintana in ay uga baahan yihiin garab si hawshan ka midho dhallinteeda loogu guulaysto.

Sidoo kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Abwaan Axmed Aw Geedi Amiin (Dheeraad) oo halkaasi ka akhriyay suugaan ka tarjumaysa qiimaha ay wax qoristu leedahay. Waxaanu tilmaamay in bulshadu ay baahi badan u qabto dhinaca qoraalka iyo habka wax qorista labadaba. Waxa uu Abwaanku dhallinyarada ku dhiiri-galiyay in ay ku dadaalaan wax qorida iyo akhriska labadaba.

Sidoo kale waxa isaguna halkaasi hadal ka jeediyay Qoraaga caanka ah ee Xasan Cabdi Madar, oo isagu u mahad celiyay dhammaan ka soo qayb galayaasha gaar ahaan kooxda dhallinyarada ah iyagu hawshaasi isku soo duba riday.

Waxa uu aad iyo aad uga waramay Xasan Cabdi Madar sida iyo muhiimada ay wax qoristu Aadamaha u leedahay isaga oo xusay in isagu uu inta badan habeen iyo maalin waqtigiisa ku qaato, wax akhris, Hasa ahaatee, marka dadyawga caalamka loo eego aanay taasi waxba ahayn, waxa uu dhallinyarada ku guubaabiyay in ay wax akhriyaan oo badiyaan si ay u noqodaan kuwo wax qori kara.

Guddoomiyihii hore ee Dallada Dhallinyarada Somaliland ee Sonyo Dr.Maxamed Yuusuf Aw Cali(Culimo) oo isaguna halkaasi hadal ka jeediyay ayaa si wayn ugu mahad naqay dhallinyarada isku xilqaantay hirgalinta Naadigan. Waxa uu sheegay in ay farxad u tahay in uu joogay maalintii ugu horaysay ee Dalka Somaliland laga hirgaliyo Naadi iyo Naadigan oo ah kii ugu danbeeyay. Dr.Maxamed Yuusuf Dhallinyaradii ka soo qayb gashay ayaa uu si wayn ugu guubaabiyay wax akhriska iyo habka wax qoridaba.

Waxa iyaduna halkaasi ka hadashay Naciima Yuusuf Cilmi oo ka mid ah Naadiga Akhristayaasha ee Timacade iyada oo goobtaasi ka jeedisay hadal dheer oo nuxurkiisu ahaa qiimaha ay wax qoridu leedahay iyo sida ay diinteena Macaan ee Islaamku ay u dhiiri galisay wax qorida iyada oo sheegtay in suuradii ugu horaysay ee soo degta ee Qur’aankeena Kariimka ah Nabi Muxumed( Badbaado Iyo Naxariisi korkiisa ha ahaatee) Lagu faray in uu wax akhriyo, taasina ay muujinayso sida ay Diinteenu ugu hanwayntahay wax akhrinta. Naciima Yuusuf waxa ay Dhallinyarada gaar ahaan Gabdhaha filkeeda ah u soo jeedisay in ay inta badan wax akhriyaan si ay u noqdaan kuwa hadhaw wax qori kara oo aanay labadaasi marnaba kala maarmi Karin.

Xafladan ayaa ahayd mid ay si wayn ula dhaceen dadwaynihii iyo Martidii kala duwaynayd ee ka soo qayb gashay, ayaa dhallinyaradii ka soo qayb gashay qaar ka mid ah barnaamij bakhtiyaanasiib ahaa oo lagu soo daray waxa buugaag lagu guddoonsiiyay dadkii ku guulaystay bakhtiyaanasiibkaasi.

Naadigan oo ay aas aaseen Koox dhallinyaro Wiilal iyo Gabdho ah ayaa ay tiradoodu dhan tahay toban qof oo ka mid yihiin:

1. Mahdi Sheekh Cabdi………..Guddoomiye
2. Mustafe C/kariim Cali………….Isku duwe
3. Amaal C/raxmaan Sheekh Cilmi…….Xubin
4. Saciid Khaddar C/laahi
5. Axmed Aw Nuur Ducaale
6. Axmed Sanyare
7. Naciima Yuusuf Cilmi
8. Axmed Maxamed Shaqale
9. Maxamed Arts

 


Source: Gabiley News























































 






 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp