SO MA LI LA ND HO RT A

Contact us
Audio
Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Boorama News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Gabooye News
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hiiraan News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
Jowhar News
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Ururka Qoraaga
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland CyberSpace
Somaliland Nation
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Somalilandlaw
Sooyaal News
Suugaanta Kayd
Togdheer News
Visit Somaliland
Waaheen
Wadanka News
Waridaad
Newspapers - Africa
all Africa
Africa Confidential
East African
Africa News
ASNS
Africa Investor
afrol.com
Afrik.com
Africasia
Focus On Africa
NA Journal
Pambazuka News
PANA
Newspapers - World
Al Arabia
Al Hayat
Al Jazeera
Los Angeles Times
Chicago tribune
New York Times
New Europe
USA Today
Wall Street Journal
Washington Post
The Parliament
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI
SAACID
International Org
Amnesty
IMF
UN
WHO
WTO
Emails
Gmail
Hotmail
Yahoo
Saraar
DALKAN IYO DADKANI MA XARAASHBAA: SHIRKA DIB-U-HESHIINTA LONDON?
Friday 20th of January 2012 02:43:22 AM

HADHOWBAY DHURANTAA, MA DHEXJOOGIN TIDHAA, WAA TAA DHOOL OLOLEYSE WAA DHARAAR E DHACSO.’
Waxa goob mareeg internetka ah oo Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dowladda Boqorotooyada Ingriiska leedahay maalin seddexaadii lagu shaaciyey xog ururin iyo qiimayn lagu eegayo ra’yiahaan waxa qowmiyadda ka soo jeeda dalkii la odhan jirey Soomaaliya ee haligmay bishii January 27th 1991.  Natiijada sahamintan ayaa saldhig u noqon doonta shirka dib-u-heshiinta Soomaaliya ee la saadaalinayoo in uu ka qabsoomidoona Magaalo madaxda dalka Ingriiska ee London.

Marka aynu eegno qodobada la gorfeyndoono iyo qaabka ergooyinka madasha shirka ka qeyb gelaya loo qoondeeyey ayaa ah mid si badheedha ah jiritaankii iyo qarannimadii Somaliland loogu gefey. Ajandaha ayaa ah mid loogu talo galay in indhaha laga laliyo waaqica siyaasadeed ee geedi socodkii Somaliland; waa gardaro cad oo ka hor imanaysa sooyaalkii taariikheed iyo kii sharciyeed ee ummadda Somaliland ku dhaqani ku go’aansatay aayo ka tashigooda oo waafaqsan dhammaan xeerarka iyo qawaaniinta adduunweynuhu ku macaamilo.


DABINADA SHIRKA KU HOOS QARSOON


Marka aad akhrido qodobada lagu gorfeeyndoono madasha shirka ayaa waxa kuu soo baxaya qodobo qarsoon oo hoosta ka xariiqaya in ujeedada rasmiga aha ee shirku tahay: SIDII SHARCIYAD LOOGU SAMAYN LAHAA DOWLADDA HADDA SHEEGATA TALADA KOONFURTA SOOMAALIYA!!


Dowlad ku sheegta wadaad Shariif hormoodka ka yahay waa gacan ku rimis dibadda lagu soo yagleelay, markay mudadii loo cumaaday ka dhammaatay iyada ayaa dib muddo kordhin laba sannadood ah dib isu caleemo saartay iyada oo weliba daaha dabadiisa alaad iswadda (Remote Control) lagaga daadihinayo. Waxaynu ogsoonahay sifaha in xukuumad dad iyo dal wakiil ka ihi  in ay ku timaado rabitaanka iyo kalsooni ku timaada doorasho xor ah oo xalaal. Dowlad ku sheega dibadaha lagu soo dhoobdhooba ma laha sharciyad ay cid wakiil uga tahay.


Ummadda reer Soomaliland maanta ha ogaato in shirka lagu qabanayo dalka Ingriisku ay tahay mid sharciyad loogu raadinayo dowlad u taasha hadda sii dabayshanaso ee koonfur Soomaaliya halaaga ka aloosan maareyn kariweydey. Sabab Somaliland martqaadka shirka loogula soo galgashaan meeshaba ma taal ee waxa haboon in aan dalka loo horseedin burbur iy dib u dhac aan laga soo waaqsan . Dowlad Ingriis iyo cid kale toona xaq inoogu malaha in ay inagu martiqaadaan meel budhcad badeed iyo dowlad bukaan jiif ah loogu gar naqayo. Shan iyo tobanka shire e dib Soomaali koonfureed loogu heshiisiinayey midna Somaliland qeyb kamay ahay oo xeer dhaqan galay ayeynu ka dhiganay. Sidaa darted waxa xukuumadda la gudboon in ay tixgeliso distoorka iyo xeerarka qaranka la iskana iloobo koonfur Soomaaliya oo toban kooxood isu barbar yaacaysa in lagu dhex milmo. Maalinta dowlad ay koonfur ka dhalato dowlad sharciyad ku dhisan oo cod iyo kalsooni ummadeed heysata waxa inaga dhexeysa xisaab celin, garnaqsi, iyo sidii kama dambeys loo duugi lahaa wixii la isku odhan jirey jamhuuriyada Soomaaliya.


Sida aynu la socono bulshada caalamka waxa kala haga heshiisyo, xeear, iyo nidaamyo  la isku wafaaqsanyahay oo ay kow ka yihiin kuwa la xidhiidha sharciyadaha qarannimada, dowladnimo, iyo madaxbannaanda iwm.

Haddiba xukuumadda Somaliland hunguri ka hayo in ay ka qeyb qasho waxa lama huraan ah in dadweynii soo doortay  u caddayso waxa ay dhaafsatay qodobadan soosocda:


1.      Sooyaalkii taariikhdii Somaliland ee gobanimada ka horeysey ooo waxba kama jiraan noqondoona;

2.      Lahaanshii madaxbannaanidii Somaliland ee 26th June, 1960 oo iyana meesha ka baxday;

3.      Midowgii  dhicisoobay Somaliland iyo Somalia ee July 1st 1960 oo isna taariikhdaba laga tirayo;

4.      Duudsi xaqqa ummadeed ee aayo ka tashi

5.      Dulmigii dowladihii koonfureed ka gesteen Somaliland uu isugu jirey xasuuq bani aadam, boob hantidii gaarka ahayd ee dadweynaha, iyo burbur baahsan oo dhulka lala simay adeegyadii bulsheeda sida ceelashii biyaha, berkedihii, dhul beereedkii; hantidii ummadda reer Somaliland ee Muqdishu oo laba iyo labaatan sannadood dad kale dheefsanayaan.

 

 

MAJAROHABOWGA BEESHA CAALAMKA.


Tiraba shan iyo toban jeer ayaa kooxaha ku hirdamaya koonfurta Soomaaliya Beesha Caalamku u qaban qaabisay shirar dib-u-heshiineed si bal mar uun kala dambeyn iyo wax heykal dowladnimo lagu masanuuniyaa uga hana qaado. Nasiib daro shan iyo tobankii shirba natiijadoodii waxay noqotay biyo kama dhibcaan iyo hal bacaad lagu lisay. Waxa su’aashu ay tahay shirka oo noqondoona kii lix iyo tobnaad guul ma laga gaadhi doona? Jawaabta oo koobani waa maya. Beesha caalamka ayaa weli u muuqato in weli tubtii hore loogu hungoobay weli lagu sii dheganyahay. Shirkan hadda la qabanqaabinayo iyo kuwi ka horeeyeyba waxa u dhicisoobeen waxa weeye qodobada laga duulayo oo ah qaar aan waxba ka hirgeleyn oon marnaba koonfur Soomaaliya nabad iyo xasilooni waarta ka abuuri Karin. Qodobada ugu muhiimsan ee had iyo jeer Soomaali koonfureed dhibteedu u dab dheeraatay waxa ka mid ah:


·         Ku dhegganaashaha Qaranimada, midnimada, iyo jiritaanka Soomaaliya waa “MUQADAS”

·         Kooxo cidna aan ka wakiil ahayn oo had iyo jeer awood qeybsi iyo sadbursi ku loolamaya

·         Dadweynaha reer koonfureed oon haba yaratee wax talo ah lahayn aayahooda in ay ka tashadaan.

·         Xukuumada dowlado shisheeye soo dhoobdhoobaan oo hadba magaca Soomaaliyeed ku qadhaabta.

·         Ummadda koonfur ku dhaqan oon dhexdooda ka jirin wax isaaminaadi.

·         Maqnaasnhaha hoggaan karti, hufnaan ama aqoon leh oo dhibta meesha taal maareyn kara.

 

Waxa xaqiiqa ah in aanay sinaba koonfur Soomaaliya u degeyn inta hadba cida loo soo cumaamadaa iska dhaacinayaan in uu jiro dal Soomaaliya la yidha oy hadba magic ula baxaan oo midaysan.

Bulshada caalamka oo dwladda Ingriisku kow ka tahayna ha ogaato in xalka keli ah ee Koonfur Soomaaliya deganaasho loogu soo dabaali lahaa tahay in mushkiladda meesha taala toos loo abbaaro: Qadiyaddu Laba dal ayey 1960 lixdankii ka dhaxeysey, maantana xaalku wuxu isugu biyo shubanayaa sidaa labad dal look ala furdaamin lahaa madaana aanay marka horeba jirin sharci isku hayey. Intaa wixii dhaafsani waa qalalaasaha koonfureed oon weligii soo afjarmin. Somaliland laba iyo labaatan sannadood ayey xaq darro ugu dabrantahay koonfur oo degi la’. Haddii la isku dayo in jujuub lau maxlalo waxa laga dheefsandoona waa dagaal hor leh iyo dhiig qulqula e taa ha la ogaado.

 

Ugu dambeyn xukuumadda Somalilandna waxa la gudboon in ay fara ka qaado ka qeybgalka shirka magaalada London bisha February, 2012.


Beri hore wax jirey dameer dibadeed faro ah oo inta uu aad u naaxay ayuu maalin arkay dibi geeso dheer oo libaax iska caabiyaya oo inta libaaxii dusha uga baxay is yidhi dulka dhig, hase ahaatee dibiga geeska caloosha ka geliyey oo kor hadba u rideynayo. Dameerkii ayaa is yidhi adna waxad u baahantahay labadaa gees oo kale adna maad sameysatid. Isagoo labadii gees raadinaya ayuu kayn gelay. Waxa ka war heshay gool, inta ay gaaday ayey ku habsatay oo madax haleeshay. Nasiib wanaag dameerkii xoogiisii ayuu ku badbaaday oo gooshii wuu ka fakaday, laakiinse meesha wuxu ka huleelay isagoo labadii dhegood maqanyihiin. Waxa arkay dhidar, markaasu yidhi, “Dahaba al ximaaru yadlubu qarnayn, fa caada masluubal udunayn .“

Waa daya kii dameer ee geesaha doonta labadii dhegoodba waa ka maqanyihiin!!

 

Axmed Cali Ibrahiim Sabeyse

Somalilandhorta
Woman Of The Year


Recognising The Value Of
Somaliland


Somaliland
Iqbal D Jhazbhay


New Book
Iqbal D Jhazbhay


Maalinta Shuhadada
Ee SNM


Naadiga Akhristayaasha
Timacadde


Dhayal Umadaadan
Dhiigaasi


Somaliland
Parliament


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Money


Egal International
Airport


Somaliland
Flag


Somaliland
Stamp