SO MA LI LA ND HO RT A

Contact us
Audio
Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Boorama News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Gabooye News
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hiiraan News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
Jowhar News
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Ururka Qoraaga
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland CyberSpace
Somaliland Nation
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Somalilandlaw
Sooyaal News
Suugaanta Kayd
Togdheer News
Visit Somaliland
Waaheen
Wadanka News
Waridaad
Newspapers - Africa
all Africa
Africa Confidential
East African
Africa News
ASNS
Africa Investor
afrol.com
Afrik.com
Africasia
Focus On Africa
NA Journal
Pambazuka News
PANA
Newspapers - World
Al Arabia
Al Hayat
Al Jazeera
Los Angeles Times
Chicago tribune
New York Times
New Europe
USA Today
Wall Street Journal
Washington Post
The Parliament
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI
SAACID
International Org
Amnesty
IMF
UN
WHO
WTO
Emails
Gmail
Hotmail
Yahoo
Saraar
Warmurtiyeed uu soo saaray xildhibaan Maxamed Faarax Qabile Written by Maxamed Faarax Qabile
Tuesday 24th of January 2012 02:56:57 AM

Siyaasada Arrimaha Debeda ee dalka oo gashay mugdi: Umadkasta waxaa saldhig u ah taariikh aan ku gedman dadyaw kale, qarankani wuxuu lee yahay sooyaal taxane ah oo bog ku leh diiwaanka  taariikheed ee caalamka oo ay kaga duwan tahay bulshooyinkka caalamka waxaanay masiirkeeda qaranimo u soo martay ummadani jid adag oo aan Madaxweyne Siilaanyo maanta looga sheekaynaynin, taasoo u kala qaarmaysa taariikhdii gumaysiga, Gobonimodoonka,xoriyadii 26 juun 1960kii, Hungowgii midnimada, & halgankii dheeraa ee xoriyad la soo noqoshada inta u dhaxaysa.

Caqabad kasta oo loo dhigaa may noqon mid hakisa hayaanka ummadani ugujirtay himiladeeda dhow & ta dheer labadaba, maanta oo laga joogo in kabadan 20 sanadood lasoo noqoshadii xoriyada iyo gooni isu taaga Jamhuuriyada Soomaaliland, isla markaana uu hogaanka u qabtay mid kamida hogaamiyayaashii ugu mudada dheeraa maalmihii qadhaadhaa ee halganka Mr Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, kaasoo doorashadii ugu danbaysay ee tartanka madaxtinimada JSL hadheeyay dhigiisii asxaabta kale ee Udub & Ucid, umada inteeda badanina aaminsanayd inay gacanta ka saartay hogaaminta dalka ninkii hadhinlahaa, waxay umadda reer Soomaaliland ku margatay, layaab iyo lama aragana ku noqotay, mudadii sanadka iyo badhka ahaydna ku murmaysay ( Hashu maankayga gadee ma maasaar bay liqday) waxaa dhacay wax aanay ummadani filanaynin, qorshaheedana aan ku jirin, taasoo mudadii gaabnayd ee uu xukunka dalka hayay Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, majaro habaabinta masiirkii Ummada kaasoo ka dhex muuqday dhacdooyin cad cad oo isu marag furaya.

bilawgii Dhismaha xukuumadiisa cusub, waxa ummada kaga wareeriyay meesha uu ka keenay xulashada golihiiisa wasiirada, oo intooda badan la garan waayay halka uu ku salaysan yahay barduulkiisu waxaa taa ku xigtay uffo khilaaf oo si ula kac ah xukuumada Siilaanyo uga dhex aloostay golihii wakiilada J S L oo xiligaa ahaa tiir kamida tiirarka ugu adag qarankan isagoo ugu horeyn gacanta ku dhigay shir gudoonkii golaha wakiilada iyo raxan kamida xubnihii Golaha wakiilada, taasina waxay meesha ka saartay isu dheeli tirnaantii golayaasha qaranka, waxa marag madoon ah khilaafkii xukuumadu dabada ka riixaysay ee safarkii ugu horeeyay ee madaxwaynuhu Ingiriiska ku tagay ka dhex aloosmay Golaha wakiilada  kana biaabmay in shirgudoonka golaha wakiiladu si badheedh ah ula dhaqmeen mudanayaaasha golaha wakiilada si ka baxsan nidaamkii iyo xeer hoosaadkii goluhu lahaa, xad gudubna ku sameeyeen  Distoorka qaranka iyo guud ahaan nidaamkii hogaamineed ee goluhu lahaa, xiligaa golaha wakiiladu waxay soo dhigeen in ay wax kabedel ku
sameeyaan xeer hoosaadkooda si ay u dardar geliyaaan hawlaha qaranka,& dabarka mudanayaasha taasoo xukuumadu u turjuntay in guud ahaan talaabadani tahay mid khatar galin karta madaxda ugu saraysa ee dalka,arrinkaas oo aan meelna ka soo galayn tilmaamaha ay bixinaysay xukuumadu &,weedhaha ay u marinaysay warbaahinta caalamiga ah iyo tan
muxaliga ahba, taasi oo wadada u furtay mashquulinta la geliyay tiirarkii qaranka bilawgii xukuumada Axmed Sillaanyo, si ku talagal ahna loo samaynayay talaabo kasta oo lagu wiiqayo firfircooni Golaha wakiiladu yeesho, si loo fuliyo ujeedooyinkii daaha dabadiisa kuqarsoonaa haseyeeshee in ka badan 40 mudane oo golahaas kamidi waxay fasaxoodii kalfadhigaa ku dhamaysteen sabato bixinta khilaafkaa, ismaan dhaafka xukuumada Axmed Siilaanyo ay dhan ka noqotay haybadii golaha, isla mar ahaantaana faro gelin ku sameeyay awoodii iyo xil gudashadii golaha wakiilada si ay u furfuraan una kala fogeeeyaan saaxiibo in badan xilgudashada golohooda inbadan meel uga soo wada jeeday iyagoo u dhigaya in goluhu gudihiisa iska hayo, waxayse xildhibaanada aan kor ku soo sheegay si farshaxanimo leh uga fekereen siday u furdaamin lahaayeen khilaaf addag oo qaranakani la kowsado, iyagoo si degenaansho leh ula xidhiidheen Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo oo carriga Ingiriiska ku sugnaa waqtigaa.

Soo gurya noqoshadii Madaxweynuhu waxay ku soo beegantay iyadoo mudanayaashu si kal baxnaana u diyaariyeen deminta khilaafkan iyo madax banaanida golaha si waafaqsan dastuurka iyo xeeraarka ka farcama,kulkii u horeeyay ee dhexmara Madaxweynaha & Mudanayaasha waxa hadheeyay hormasaarto iyo hadalo gef ku ah habdhaqanka dawliga ah oo ka imanayay wasiirada qaar ka mida sida, Wasiirkii daakhiliga ee xiligaa iyo Wasiirka madaxtooyada ee hada oo xiligaa huwanaa title aan sharciga meelna kaga soo aroorin (Cheif of Cabinet), waxa intaa weheliyay iyadoo madaxweynuhu uu ahaan jiray xubin firfircoon oo golaha wakiilada J S L oo sharciga si fiican ugu lahaa khibrad may noqon jawaabihiisa is burinaayay kuwo ku san banaan sharciga iyo xeerarka dalka taasi oo adkaysay ged bixii Madaxweynaha iyo mawqifkiisa oo ku jiray mugdi.

Arintaasi waxay noqotay mid golaha gudihiisa dagagaro ama maradhaamiyo inuu dhexdiisa wax ka xaliyo, taasi oo Gudoomiyaha golaha wakiiladu uu xiligaa ka soo laabtay  safar uu ugu maqnaa dalka Finland, soona  eediyay codsi si uu isaga dulqaado khilaafka dhexmaray xukuumada Labada gudoomiye ku xigeen ee galhaha wakiilada iyo raxan golaha
wakiilada ah oo isku dhinac ah iyo Golaha intiisii badnayd, hase yeeshee arinkaasu muu noqon mid cimri badan sii yeesha, iyadoo markiiba shirgudoonka golaha wakiilad (Gudoomiyaha iyo labadiisa ku xigeen) dagaal dag iyo kala qaybinta golahana caddaystay, goobtaasna waxa ku sidkamay hogaamintii golaha iyo xukuumadii waxaana si isdaba jooga isaga soo daba dhacayay hab hogaamineed oo muquunis ah waxaana si cad isugu dhex milmay hogaamintii golha iyo Xukuumada taasina waxay meesha ka saartay hanaankii wada shaqayneed ee qaranka iyo kalsoonidii Golaha J S L, Isla waqtigaa waxa bilaabantay in mashaariic Sharci oo tahriibin lgaga  keenay dalka Jamhuuriyada Djibouti Si sharciga iyo xeer hosaadka  golaha ka baxsan loo soo dhex dhigay golaha wakiilada,  olha wakiiladu wuxxuu dib ugu celiyay xukuumada si ay sharciga u soo waaffajiso, isla subaxdaa mashruuca sharci goluhu xukuumada ku celiyay ayuu Madaxweynahu Isla gelinkii danbe isugu Yeedhay golihiisa wakiilada waxaanay go'aamiyeen in isla subaxdii xigtay xukuumada iyo shirgudoonka oo wada socda ay ku soo celiyeen golaha, iyadoo sadex nuqul oo midna mid la jaad ahayn la siku soo guray, dabadedna waxa la geliyay cod aan ku san banaanayn xeer hoosaadka golaha, xeerkii isgaadhsiintu u baahnayd iyo Dastuurka qaranka xiligaas oo ay dhacday fadeexadii ugu waynayd ee ka dhacda golha wakiilada waxaana la sameeyay gacan gelin dhaqaale oo lala soo dhex galay golihii ay ummadu soo dooratay kaasi oo si wada jir ah uga
hawlgaleen xukuumada & shirgudoonka wada jir ah iyadoo la qaaday
talaaba kasta oo ay ku suurto gashay arrintaasi.


Mar ay golaha wakiiladu ku cadeeyeen wasiirkii hore ee wasaarada boosaha iyo sigaadsiinta madaxweynahana ku wargeliyeen iyadoon goalha wakiilada a la horkeenin wax heshiisa sida ku cad qodobad 53 55, heshiiskasta oo aan goluhu ansixinina uu yahay xaaraaan taasi oo uu wasiirku ka hor dhacay madaxweynuhu wuxuu si qiiq isku qarina Xilkii kaga qaaday Wasiirka si uu ugaga fakado fashilka iyo khiyaamada qaranka lagu sameeyay. Hadaba waxa is weydiin leh muxuu ka badalay wasiirki cusbaa talaaabadii dhigiisii ka horeeyay xilka lagaga qaaday? Jawaabtii waxay noqotay kadar oo dibi dhal waxa cadaaatay in mdaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin uuku wargeliyey shirkada EASAY CABLE in uu ogolaanshiiyo dhaba siiyay Ogolaanshiiyo Dhaba Siiyay Shirkada Dalcom Somaliland, iyadoo xukuumadii hore ee Daahir Rayaale Dhamaystirtay dhmaan documantiyadii iyo shuruucdii looga baahnaa Shirkad maalgashi, sidaan ku cadayn doono faahfaahinta documantiyadaa iyo waxa ay ka hadlayaan maqaalada danbe ee soo socda, Arintani waxay cadayn u tahay in maanta Soomaaliland laga dhigay Xaafad ku taal Cali Sabiix Djibouti,iyadoo xadhigii Fibre Optic ga ahaa ee ka soo degi lahaa Berbera Diyaarkana ahaa lagu Badalay kan hada laga soo saaray DJIbout ee Inaga soo galaya Lowyo cado Haatana ku soo dhaw Hargeisa duleedkeeda, arintan iyo dhacdooyin badan oo kale oo mudadii koobnayd ee xukuumada Axmed Siilaanyo jirtay wadanka ka dhacay waxay marag madoon u tahay khiyaamada laga galay Qarankan. Siyaasada Arrimaha Debeda ee dalka oo gashay mugdi: Marar badan oo goleyaasha qaranku u yeedheen Wasiirka Arrimaha dibeda, wuxuu si badheedha uga been sheegay waaqicii dhabta ahaa ee uu ku jiray waxaana is burinayay xaqiiqada dhabta ah iyo Jawaabihii uu bixinayay, waxaa tusaale inoogu filan safarakii Nairobi ee uu la kulmayay Golaha Amaanka ee ururadii Bulshada ee ay isku diyaarada raaceen ee ay Hargeysa ka wada dhoofeen isk marna ku soowada laabteen ay kualanada meel kula fadhiisteen madaxdii TFG Dawlada ku meel gaadhka Soomaaliya iyo maamul Goboleedyada hoos yimaada iyadoo ururadan hargeisa ka tagayna ay ka mid yihiin maamul goboleedyada hoos yimaada TFG, waxa iyana marag madoon ah oo aan soo qaadan karnaa Bishii April waxa wadanka yimid wafti dadka loogu sheegay Odayaashii dhaqanka beelaha hawiye oo Soomaaliland u yimid in ay khibrad ka korodhsadaan siday u samaysatay dawladnimada, nabadgelyada , maamulaka iyo kala danbeynta iyo hirgelinta Dimoqraadiyadii, kuwaas oo aakhirkii markay noqdeen sadex bilood kadib soo saaray warbixin dheer oo ay ku sheegeen in dhamaan dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya 18 kiisii gobolba ay soo wada mareen raalina laga wada yahay distoorka qoraal qabyada ee ay yeelanayso Jamhuuriyada federaalka ah ee soomaliya oo ay Soomaalilandna ku jirto waqtigaa ayaa la ogaaday inaanay ahayn Odayaal dhaqan oo beelaha hawiye laakiin ay ahaayeen Gudidii diyaarinta Dastuurka Qoraal Qabyada Soomaaliya gudidaa soo ay dalka ku soo dhaweeyeen Saraakiil iyo madaxda xukuumada maanta qaar ka mid ahi. waxa ay arimahan aynu kor ku soo xusnay iyo kowo inoo hadhsaniba markhaati u yihiin khiyaamada qaran ee xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ku kacday kana gashay ummadii sida niyada ah u soo doorata waxaan dhamaan muwaadiniinta Reer Soomaaliland la socodsiinayaa in maqaalo taxane ah aan ku soo bandhigi doono dhacdooyin badan oo kuwan la mjid ah oo qarankan ay ka gashay xukuumaday aamineen. Waxaan warmurtiyeedkaygan ku soo gabagabaynayaa fariimo aan u kala dirayo ummada Reer Soomaaliland ee ku nool dalka gudihiisa iyo dibadiisaba ku nool, Beesha Caalamka, Saaxiibada Qarankani ku leeyahay daafaha dunida. Reer Soomaaliland waxaan leeyahay Mar idage Alle ha dago, Mar labaad I dagana anaa is Dagay. Xejista Qaranimadiina,Midnimadiina, Iyo HImiladiina gooni isu taaga ee aad mudada dheer u soo Halgamayseen, Lana xisaabtama Masuuliyiintii aad doorateen una igmateen masiirkiina. Beesha Caalamka waxaan leeyahay Gooni isu taaga Qaranimada Jamhuuriyada Soomaaliland wuxuu ku fadhiyaa Qoddobka aayo ka tashiga ee jimciyada quruumaha ka dhexeysa( United Nations) Midawga Afrika AU iyo Rabitaanka Shacbiga Soomaaliland, waxaan ognahay in tacab badani idinkaga jiray hanaankii hirgelinta Dimoqraadiyada Ee ay ku qabsoomeen doorashooyinkii kala duwanaa eee dalkan ka soo qabsoomay. Ummadna qoorqabasho laguma khasbi karo wax aanay rabin. waana arrin ka madhan distoorka iyo shuruucda dalka u degsan cid awood u haysata oo ku matali kartaana majirto. Waxaa maanta shacbiga Soomaaliland filayay in madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo uu noqon doono Diigoolkii France, Ama winston Churchilkii England. waxaadse noqotay Mikaahiil Gorbajovkii Raashiya. Gabayaagii Maxamed C/Raxmaan Lugooyo ayaa wuxu yidhi: Waxyi iguma soo dego hadana wax ima seegaan waxan ahay nin waayaha aduun wax uga muuqdaan wadna waa jiraa xaal nabsina waa iska weheshaa hadba meesha lagu wiiqmayo ee wahabku fuulaayo ayuunbaa la'ii warin sidii wali asraareed nin wadiifo haystaa haduu wadi aqoon waayo waqtiguu u jecelyahaa kursiga laga wareejaa Xidhibaan: Maxamed Faarax Qabile Xubin gudida joogtoda ee golha wakiilada Hargeisa Soomaaliland

Somalilandhorta
Woman Of The Year


Recognising The Value Of
Somaliland


Somaliland
Iqbal D Jhazbhay


New Book
Iqbal D Jhazbhay


Maalinta Shuhadada
Ee SNM


Naadiga Akhristayaasha
Timacadde


Dhayal Umadaadan
Dhiigaasi


Somaliland
Parliament


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Money


Egal International
Airport


Somaliland
Flag


Somaliland
Stamp