|
|
Gaadhigii Laga Lahaa
Hargaysa Oo Laga Afduubay Duleedka Buuhoodle Oo Ay Ciidanka Itoobiya Soo Furteen
Goordhow
May 9, 2008
Gaadhi laga lahaa Magaalada Hargaysa oo laga afduubay duleedka Buuhoodle oo ay
ciidanka itoobiya soo furteen Gaadhigani oo ahaa nooca loo yaqaano laan
garuusarka ayaa dhawaan waxaa laga afduubay dule3edka magaalada buuhoodle
waxaana aafduubkaasi gaystay koox dablay ah waxaana ay la tageen ugu horaynba
magaalada buuhoodle iyagoo markii dambana kala sii aaday aaga tuulada dhumay ee
gobolka sool.
Hadaba maalintii shalay ahayd ayaa hawl gal ay sameeyeen ciidanka itoobiya waxaa
ay ku guulaysteen inay soo furtaan gaadhigaasi gacantana ku soo dhigaan
Dableydii afduubtay gaadhiga.
Gaadhigan oo ay lahaayeen dad shacab ganacsato ah ayey dablaydani ay wadada u
galeen waqtigii ay afduubayeen meel u dhow tuulada qorilugud oo dhanka galbeed
ka xigta magaalada buuhoodle islamarkaana ay isku kaxaysteen gadhigii iyo dadkii
sarnaaba.
Waxaayna kooxdani ku haystay in mudo ah gaadhiga iyo dadkaba tuulo dhanka hawdka
ah ka xigta magaalada laascaanood oo la yidhah dhumay ka dib markii ay uga soo
carareen buuhodle hanjabaad uga timi odayaasha degaankaasi oo uu sheegay in xoog
loo adeegsan doono hadii ay soo dayn wayaan dadkaasi iyo gaadhigaba aan waxba
galabsan.
Ugu dambayntii dadkii iyo gaadhigii oo bad qaba yaa lagu soo wareejiyey ciidan
ka tirsan Somaliland ka dib markii xidhiidh lala sameeyey ciidanka itoobiya oo
loo sheegay in dadkaasi lagu wareejiyo ciidanka Somaliland ee degmada oo ku
sugan degmadaasi kalabaydh ee gobolka sool ,dhawaana waxaa la filayaa in
dadkaasi loo soo gubiyo xarunta gobolka sool ee magaadala lascaanood oo ay uga
sii gudbi doonaan dadkaasi dhanka degaankoodi iyo Hargaysa iyagoo badqaba.
Waa markii ugu horaysay oo ay ciidamada itoobiya ay hawlgalkan oo kale ka
fuliyaan deegaakani ka tirsan gobolkan waxaana arintani soo dhaweeyey dadka
shacabka ah ee deegaamadaasi oo mar iyagu donaya wadanoolaasho wanaagsan.
Xirrir qato dheer ayaa ka dhaxaysa Dalka Somaliland iyo Dalka Ethobia waxaana
Labadan dal ka dhaxeeya heshiis Ganacsi iyo mid nabadgalyo, waxaana la oran
karaa sababta keentay in baabuurka iyo dadka ay badbaadiyaan keentay
heshiisyadaasi ay wada galee.
__
Source: Hadhwanaag News
Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights
reserved.
For problems or questions regarding this web contact
[Webmaster].
| |
|