Djibouti: Shirku Ma Qabsoomayaa?
May 10, 2008
(SOHTA) Shalay gelintii dambe, waraysi uu siiyay Sheekh Shariif Sheekh Axmed
Laanta Af-Soomaligee BBC-da kuna siiyay Djibouti, wuxu cadeeyay in aanu weftiga
ka socdaa Dib-U-Xoraynta Soomaaliya aanu diyaar u ahayn inuu la shiro weftiga ka
socda Maamulka madaxda uu yahay Cabdilaahi Yuusuf, weftigaas oo shalay isna soo
gaadhay Djibouti.
Shariifku wuxu ku tilmaamay weftigaasi in aanu u aqoonsanyn inuu dawlad yahay
balse uu yahay daba dhilif, intaa wuxu raaciyay, isagoo u waramaya wariyaha
bbc-da, in weftigiisu u yimid inay la shiraan ama ay wada hadal la yeeshaan,
Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa, kana wada hadlaan qaabkii ciidamada Ethiopia
dalka looga saari lahaa.
Wariyaha BBC oo waydiiyay inay diyaar u yihiin Ethiopia in ay la shiraan wuxuu u
sheegay inay Ethiopia la shiri karaan markay Ethiopia dalka ka baxdo. Wariyaha
BBC-da oo waydiiyay in ay Eriteria culays ku saartay inay mowqifkaa adag is
taagaan haday diidaana inay dalkeeda ka saari doonto, wuxu ugu jawaabay hadal
macnihiisu yahay inaanay cidna amar ka qaadan, go'aan gaadhkoodana ay u madax
banaan yihiin. Waxay u muuqataa shirkii iyadoo aan la isku iman inuu dhicisoobay.