SOMALILANDHORTA


 

 

Kulan Afar-Geesood Ah Oo Maanta Laysku Soo Hor-Fadhiisinayo Axsaabta Siyaasadda
May 10, 2008


Kulan afar geesood ah, oo lagu wado in lagu dhexdhexaadinayo, laguna faaqidayo khilaafaadka ka dhashay muddo-kordhintii golaha guurtida iyo sida laga yeelayo marka la gaadho dhamaadka waqtigii xilka loo doortay madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa ee 15 May, ayaa la rajaynayaa in maanta laysku soo hor-fadhiisiyo saddexda xisbi-qaran iyo xukuumadda, sida ay tibaaxeen warar xog-ogaal ah oo aanu ka helay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Sida ay illahaasi tibaaxeen, kulankan afar geesoodka ah, waxa loo ballansan yahay inay isugu yimaadaan 17 xubnood oo kala ah; Afar xubnood oo xisbiga Kulmiye ka socda, afar ka socda xisbiga Ucid, afar ka socda xisbiga Udub, afar ka mid ah xubnaha wasiirrada ay xukuumadu u xilsaartay hawlaha dhexdhexaadinta iyo Guddoomiyaha Gollaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo isu xilsaaray hawsha dhexdhexaadinta khilaafaadyada siyaasadeed ee xilligan taagan. Isla markaana, warku wuxuu intaa ku daray in guddoomiyaha wakiillada ay dhexdhexaadinta kala qaybqaadanayaan Akadeemiga Nabadda iyo Horumarinta Somaliland. Warku wuxuu intaa ku daray, in kulankan la qorsheeyay in dhinacyada siyaasadda iskaga soo horjeeda uu mid kastaaba dooddiisa ku soo bandhigo, isla markaana lagu lafo-guro arrimaha ilaa hadda laysku mari la'yahay.

Tibaaxuhu waxay iftiiminayaan in werwer badan oo laga qabay go'aan qaadashada Xisbul-xaakimka Udub awgeed lagu adkaystay in dhinaca xukuumada ay kulankan u metelaan afar ka mid ah kooxda wasiirrada ah ee Madaxweyne Rayaale u igmaday inay dhexdhexaadinta u metelaan dawladda. "Waxa lagu adkeeyay in cidda go'aanku ka go'aa ay tahay Madaxweynaha'e meesha ay yimaadaan wasiirradiisu, balse aan lagu soo lug-goyn Udub." Ayuu tibaaxay mid ka mid ah ilo-wareedyada aanu soo xiganay. Sidoo kalena, xisbiga Udub kulankaa waxa la go'aamiyay inuu xisbi ahaantiisa halkaa ku tago.

Inkasta oo dhexdhexaadinta la wado xoogga la saarayo sidii loogu guulaysan lahaa natiijo laga gaadho khilaafaadka haatan taagan, ayaa hadana sida ay wararku tibaaxeen xukuumadda iyo Xisbiga Ucid waxay u muuqdaan kuwo aanay afkaarahoodu kala fogayn marka la eego dareemada ku wajahan geedi-socodka dhexdhexaadinta, halka Xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye, uu weli ku adag yahay mawqifkii ay hore axsaabta mucaaradku sida wada-jirka ah u qaateen, ee ay ku sheegeen inaanay aqoonsan doonin Madaxweyne Rayaale wixii ka dambeeya 15 May oo waqtigii xilka loo doortay kaga dhan yahay.

Sidoo kalena, kulankan maanta lagu wado in laysku soo hor-fadhiisiyo dhinacyo siyaasadda ku kala fog, maxay noqon karaan natiijooyinka ka soo bixi karaa, isla markaana rajo intee le'eg ayaa laga qabi karaa in dhamaan dhinacyada siyaasadu ku wada qancaan. Sababta oo ah, waxay wararka qaarkood tibaaxeen in mucaaradka gaar ahaan Xisbiga Kulmiye uu aad uga walaacsan yahay sida Madaxweyne Rayaale ugu dhaqmi karayo natiijooyinka halkaa ka soo baxa. Sidoo kalena, warar xukuumadda wasiirrada dhexdhexaadinta uga qaybqaadanaya ku dhaw-dhaw oo aanu helay ayaa sheegay inay iyaguna dhinacooda ka rajo xunyihiin sida ay heshiis ugala qaadan karaan khilaafaadyada taagan Xisbiga Kulmiye.

Ka sokow, kulankan maanta, waxa jira warar kale oo sheegaya inay kulan caawa isku soo hor-fadhiistaan Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin iyo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). Hase yeeshee, guud ahaanba ma jiraan warar rasmiya oo arrintan la xidhiidha oo dhinacnaba uu soo saaray.

__

Source: Qaran News



 


  Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights reserved.
For problems or questions regarding this web contact [Webmaster].