SOMALILANDHORTA


 

 

Booqashada Weftiga Gobolada Sool Iyo Sanaag Bari Ee Boorame Iyo Dareenada La Xidhiidha Booqashadooda
May 11, 2008


Magaalada Boorama ayaa weli waxa ku sugan wefti ka kooban siyaasiyiin kasoo jeeda degaanada Sool iyo Sanaag Bari oo u horkacayo ,siyaasiga caanka ee reer Sool, Axmed Cabdi Xaabsade kuna weheliyeen xubno kasoo jeeda degaanada Sanaag Bari ee Somaliland.

Booqashadan oo la filayey maalintii khamiistii oo dib uga dhacday ilaa habeenkii ayaa sida la sheegeyo dareeno kala duwan ka dhex abuurtay qaybaha dadweynaha Boorama, balse sida uu ii sheegay xubin ka tirsan Guddiga Jaamacadda Cammuud ,lana yidhaa Xaaji Axmed Miisaan,ayaa la sheegeyaa inay booqashada wefdigani la xidhiidho iskaashi la xidhidha dhinaca waayo aragnimada maamul,iyo horumarineed ee ka dhaxayn kara Gobolada dalka

“Weftigan waa siyaasiyiin reer Somaliland ,waxayna noogu yimaadeen markii ay naga codsadeen inaan ka caawinno waayo aragnimada reer Boorama ku dhisteen ,jaamacadaha ,jidadka iyo horumarinta maamulka Biyaha .waxaan maanta geynay jaamacadda cammuud ,shirkadda Biyaha e shaba iyo meelo kale oo ay is leeyihiin waxbay dadkooda ku nool gobolada ay ka yimaaddeen uga faa’iideyen karaan.” Ayuu yidhi Xaaji Axmed Miisaan.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi “Waxay nooga warrameen baahiyahooda dhinaca qalabka wabarashada ,iyo maamulada horumarinta ,waxan saaka u dirray buugaag iyo agab kale oo waxbarasho oo jaamacadda cammuudi u dirtay goboladaasi ,annagoo ugu dhiibnay siyaasiyiintoodan ,mana jiraan arrimo siyaasadeed oo ay nagu soo hadal qaadeen annaguna shaqaba kuma lihin siyaasad"

Guddoomiyaha Gobolka Awdal Maxamuud Sheekh Cabdilaahi oo qaddar kaddib markii uu ka soo baxay shir xog-waraysi ah oo ay wada yeesheen isaga, iyo masuuliyiinta ka socotay gobolada sool iyo sanaag Bari,iyo madaxdhaqameedyo reer Boorama ah ,oo aan kulankoodaa saxaafadda waxba looga sheegin wixii ka soo baxay,

" Waa shay iska caadi ah in dadka reer Somaliland aanay kala qoqobayn qofka Sool joogaana uu iman karo Boorama .Annagu ka dawlad ahaan,uma yeedhin ,balse dhinaca ururada rayidka ah ,oo ay jaamacaddu ka mid tahay way isdhaafsan karaan booqashooyin,mana aha in laga sameeyo waxaan jirin " ayuu yidhi Maxamuud Sheekh Cabdilaahi.

Inkastoo aanay wefdiga reer barigu booqashadoodan Boorama waxba uga sheegin saxaafadda ,isla markaana ad moodeysay inay iska dhawrayeen dareenno badan oo sababay inaysan ka muuqan goobaha martidu ku soo degto,sida Rays Huteel laguna martigeliyey guryaha rayidka,balse qaar ka mid ah dadweynaha ayaa booqashoodan u haysta inay tahay mid siyaasadeed oo ay labadaa Gobol ee darafyadu ku doonayaan inay iska bahaystaan beelaha dhexe ee Somaliland.

Maadaama wakhtigan xasaasiga ah ee dalka uu ka taaganyahay muran siyaasadeed reer Awdal goboldaasi uga baahanyihiin taageero siyaasadeed oo la mid ah tii looga bartay dawladdii 1960kii .

Dhinaca kale qaar ka mid ah dadweynaha ayaa sheegay inaysan wefdigan iyo reer Sool toona ku saamaxayn wixii ay ku sameeyeen Madaxweyne Rayaale wakhtigii uu booqashada ku tegey goboladooda, kuwaasoo xabbad kala horyimi wefdigii booqashadii rayaale ugu tegay afar ama saddex sano ka hor.sida darteedna ay wefdigani Boorama u yimaaddeen sidii ay reer Boorama uga raalligelin lahaayeen wixii wagaa dhacay,bog cusubna loo furo xidhiidhkooda horumarineed.

__

Source: Hadhwanaag News



 


  Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights reserved.
For problems or questions regarding this web contact [Webmaster].