|
|
SOMALILANDHORTA
|
|

BAYAAN SAXAAFADEED
May 11, 2008
CODSI MADAXWEYNE IYO QORAAL APD MIDNA MA JIRIN:
Ma aha dhaqanka iyo caadada Akaademiga in ay war-baahinta kaga warranto hawlaha
dhex-dhexaadineed ama wixii waan-waan ah ee ay ku jirto ilaa inta ay
dhammaanayaan, markaas oo wixii ka soo baxa madal loo wada dhan yahay lagu soo
bandhigo. Tirsigii wargeyska Saxansaxo ee soo baxay 10/5/08da, war lagu baahiyay
oo magaca Akaademiga lagu xusay ayaanu halkan kaga jawaabaynaa.
Waxaanu halkan ku caddaynaynaa:
(1) In aanu Madaxweynaha JSL naga codsan in aanu kulan iyo ballan uga soo samayno
Xisbiyada mucaaradka ah ama Kulmiyeba gaar ahaantii,
(2) In aanu Akaademigu codsi qoraal ah oo uu arrintaa ku dalbanayo u gudbin
Xisbiga Kulmiye,
Haddaa maxaa dhacay?
Habeen iyo maalin is-xigay (6/5/08da iyo 7/5/08da) markii aanu la kulannay
hoggaanka Xisbiga Kulmiye ee aanu wada gorfaynay dhibaatooyinka hor taagan
doorashooyinka iyo diiwaan-gelinta, ka dib ayaanu ballan la qabsannay
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland. Falanqayn iyo gorfayn qoto dheer ka dib
waxaanu ka codsannay in uu la kulmo hoggaanka Xisbiga Kulmiye, taas oo uu naga
oggolaaday isaga oo habeennimadii 8/5/08da, na soo siiyay ballan ah 10/5/08da,
saacaddu marka ay tahay 8da habeennimo in ay Madaxtooyada ku kulmaan:
Madaxweynaha, Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Akaademiguna goob-joog ka ahaado.
Warkii ayaanu af ahaan ugu gudbinnay hoggaanka Kulmiye, 9/5/08da barqonnimadii
Jimcaha. 10/5/08da, oo maalin Sabti ahayd farriin aanu ka hellay Xisbiga Kulmiye
waxa na loogu sheegay in aanay ballantaasi waqtigan la joogo suuro-gal ahayn
iyaga oo sababayntooda sheegay. Sidaasna waxa ku baaqday ballankaas.
Akaademi ahaan waxaanu halkan ku ballan qaadaynaa in aanaan ka daalayn wixii
dedaal ah ee aanu ka geysan karno sidii xiisadaha taagan loo maareyn lahaa,
Nabadda loo adkayn lahaa geeddi-socodka dimuqraaddiyaddana loo horumarin lahaa.
Dhammaad, Wa Billaahi Towfiiq.
Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights
reserved.
For problems or questions regarding this web contact
[Webmaster].
| |
|
|
|