|
|
SOMALILANDHORTA
|
|
Djibouti: Shirkii Dib-U_Heshiisiintu Halkuu Marayaa?
May 11, 2008
(SOHTA) Waxay ahayd shirku inuu shalay furmo. May dhicin. Sababta u weyn ee
shirku u furmi waayay, markeynu eegno wereysiguu xalay siiyey Sheekh Shariif
VOA-da waa isbahaysiga oo aan ka nuuxsan halkey ka taaganyihiin, weftiga Xamar
ka yimi oo ay u arkaan in aanu dawlad matilin iyo Itoobiya oo ay ku
adkeysanayaan iney dalka ka baxdo, intaan la wada hadlin. Hase yeeshee
masuuliyiin ka tirsan Djibouti ayaa maanta muddo dheer la shireysay isbahaysigga
sidey wararku sheegayaan in kastoo wararku kasoo bixin weftigga Xamar ka yimi
waxaa la shiray Wakiilka Qaramada Midoobay, wefti ka socda Qaramada Midoobay,
wakiilo kasocda Contact Group, Jaamacadda Carabta iyo Dublamaasiyiin kale,
kulankaa kadib ayuu Axmed Weld Cabdalla Wakiilka Xoghayaha Qaramada Midoobay u
sii daayay war odhanaya rajo weyn inuu ka qabo in hawlaha shirku dhakhso u
bilaabmaan qodobo qiima lehna lagu heshiiyo.
Masuulka hoggaaminaya weftiga Xamar ka yimi, shir jaraa'id oo uu qabtay maanta
waxuu ku sheegay inney sadex maalmoodba Djibouti u joogeen in ay la shiraan
walaalahooda mucaaridka ah, kadib markuu ugu mahadnaqay dowladda Djibouti,
gogasha ay shirka u fidisay .
Marka laga reebo Axmed Weld Cabdalla dadka indho indheeyaa arrimaha Soomaalida
waxay u badan yihiin in isbahaysigoo dabca mooyaane, rajo sidaa u weyn aan laga
qabi karin shirku inuu guuleysto.
Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights
reserved.
For problems or questions regarding this web contact
[Webmaster].
| |
|
|
|