SOMALILANDHORTA


 

 

Djibouti: Shikii Wuu Furmay Laakiin..
May 12, 2008


(SOHTA) Wax la wadaba, galabta ayuu shirkii lagu heshiisiinayey maamulka Cabdilaahi Yuusuf iyo kooxda Asmara, ka furmay magaalada Djibouti iyadoo oo ay madushu tahay Golaha Ummada (Baarlamaanka) Dad badan ayaa halkaa ka hadlay oo uu ugu horeeyay W/Xoghayaha Qaramada Midoobay Soomaaliya u qaabilsan. Waxa kaloo ka hadlay labada xubnood oo kala hoggaaminayey labada wefti, Diblamaasiyiin kala duwan iyo Wasiirka awqaafta ee Djibouti oo shirka soo xidhay. Howshii shirka loo qabtay hoos looguma daadegin.

Markeynu dhuuxno wareysi uu laanta Af Soomaaliga ee BBCda, siiyey afhayeenka kooxda Asmara, wuxuu si cad u muujiyey in uu mowqifkoodu kii hore yahay; kaas oo ah iney qramada midoobay kala xaajoodaan qaabkii ciidamada Itoobiya looga saari lahaa Itoobiya. Wuxuu cadeeyay arrintaas oo la gelin in aanay diyaar u ahayn waftigan kale in ay is hor fadhiistaan.

Shirkii wuu furmay laakiin mawqifkaa kooxda Asmara oo dabac ka yimaado mooyaane, wey adagtahay sida guul wax ku ool ah shirkan looga gaadhaa.




 


  Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights reserved.
For problems or questions regarding this web contact [Webmaster].