SOMALILANDHORTA


 

 

Rajadu Yaanay Dhiman
May 12, 2008


Somalilandhorta: Dhexdhexaadintaa Gudoomiyaha G/wakiiladu waday ee dhicisay waa in aanay rajada is af garad la gaadho aanay dillin talada ugu horeysaa waa in ay noqotaa iyadoo labada dhinac ay joojiyaan weerarka ay is weerarayaan xagga saxaafada.

Waa in aynu eegnaa hareeraheena waxa ka dhacaya.Sawirka aduun weynuhu maanta innaga qaadanayaa, waa in aynu garanaa in uu yahay sawir aan qurux badneyn. Waxa keliya ee aynu kaga duwanayn Soomaaliya wuxuu ahaa doorashooyinkaa dhawrka ah ee aynu qabsanay. Haddaynu ku guuleysan weynay qabashada doorashooyinkan wakhtiga ugu dhakhso badan Hargeysi waxba kaga duwanaan meyso Muqdisho taa macnaheedu maaha dhiigbaa qulquli ee waxay tahay kala furfuran ayaa dhici laga yaabo in ay xaalad murugsani ka dhalato. caqligu ha shaqeeyo caadifaddana aynu dhinac iskaga dhiggno.

December 14, 2007 waxay ahayd inay dhacdo doorashadii deegaanku. Mey dhicin. Qodob Dastuuri ah ayeynu jabinay april 14, 2008 waxay ahayd iney doorashadii madaxtooyadu dhacdo mey dhicin. Dastuurkii beynu jabiney. Tii deegaanka waxaa loo raray June 8, 2008 mey dhicin. Heshiis guud ayeynu jabinay. Tii madaxtooyada waxaa loo raray August 30, 2008 Mey dhicin. Heshiis guud ayeynu jabiney.

Waxaynu Dastuurka u jabiney heshiisyadiina uga baxnay wakhtigiibaa cidhiidhi inagu noqday intaa jeer ee aynu Dastuur jabiney ama heshiis ka baxnay dhinacna ma odhan Dastuurbaa la jebiyey ama heshiis baa laga baxay. Ugu danbayn waxaynu ku heshiinay in Doorashada Deegaanka la qabto Octoober 6, 2008. Ta Madaxtooyadan Dececmber 31, 2008. Guurtidu kordhintey kordhisay waxay ahayd in ay ku eekeyso January 31, 2009 oo maalintaasi ay noqotay Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xiggeenka la doortay.

Guurtidu wax wey kordhin kartaa kordhintuse waa in ay la socotaa dhinacyadda arrintu khuseysaa sidey u arkaan waa ra'yi khaas ah oo aanay cidina ku khasbanayn in ay qaadato, waxaase muhiim ah in aynaan arrintaa ku kala kicin , dhexdhexaadintana ay sii wado akaadamiyada oo kale. Waxaa inaga reeban maamul majirro 15 May 2008 haddey dhaafto waxaa inaga reeban fal nabada wax u dhiman. In aan somaliland is ahaan teeda caalamku u caashaqsaneyn ee uu qadariyey waxaynu qabsannay waxaa u daliila kharashkii diiwaan gelinta oo hakad la geliyey dhinac walba waxaa ku waajib ah in uu soo tanaasulo oo uu ku dadaalo meel dhexe kula kulmo. Sidii Cali Gurey yidhi tartamayaasha madaxtooyada cod in lagu kala saaro mooyee dhiig lagu kala saari maayo.

Somalilandhorta






 


  Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights reserved.
For problems or questions regarding this web contact [Webmaster].