|
|
SOMALILANDHORTA
|
|
Dalad Kulmindoonta Dhamaan Saxaafada Somaliland Oo Lagaga Dhawaaqay Magaalada
Hargeysa, Go'aamo Iyo Baaqyo Laga Soo Saaray
May 13, 2008
Kulan-hawleed ay saxaafadda Somaliland kaga arrinsanayso marxaladdan cusub ee
dalku galay iyo sida ay u waajahayaan, ayaa maanta lagu soo geba gabeeyey Huteel
Baar Xaf ee Magaalada Hargeysa, kaas oo qodobo muhiima laga soo saaray, isla
markaana baaqyo loofu jeediyey Xukuummada iyo Axsaabta Mucaaidka ah.
Waxaana kulankaasi soo qabanqaabiyey Ururka Suxufiyiinta Iyo Qorayaasha Madaxa
Banaan ee SSJW, kaas oo daba socday wejigii 1aad ee kulan-hawleedkan oo uu soo
diyaariyay Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA.
Wejiga 2aad ee kulan-hawleedka waxa ka soo qeyb-galay madaxda iyo
Tifaftirayaasha wargeysyada, TV-yada, Idaacadaha iyo 3-da Urur ee saxaafadda
Somaliland ee SOLJA, SSJW iyo WIJA iyo Ururka Website-yada SOA.
Furitaankii kulan-hawleedka waxa hadalo koob-kooban ka soo jeediyay
gudoomiyeyaasha ururada Saxaafadda SSJW iyo SOLJA, Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo
Mustafe Cabdi Ciise (Shiine).
Markaa kadib waxa la magacaabay shir-gudoon daadihinayay kulan-hawleedka oo kala
ahaa:
1. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)
2. Faysal Cali Sheekh
3. Faysal Fadh-fadhle
4. Nafiisa Maxamed
Qodobada Ajandaha kulan-hawleedku waxay kala ahaayeen:
1. Xaaladda cusub ee dalku galay iyo doorka Saxaafadda Somaliland
2. Abuuridda Dalad mideysa ururada Saxaafadda Somaliland
3. Abuurida Guddida Sare ee Cabashooyinka Iyo Anshaxmarinta Saxaafadda
4. Dhaqan-gelinta Xeerka Saxaafadda Somaliland
Dood dheer oo ay ka qayb-galayaashu si saraaxad leh uga doodeen qodobada
ajandaha ka dib, shirku waxa uu go'aansaday:
a) In sida ugu haboon ee ay Saxaafaddu xilkeeda ku gudanaysaa marxaladdan adag
uu noqdo iyada oo ku dhiirata inay gudbiso xaqiiqada iyo runta waxa laysku hayo
isla markaana ay ka gar-naqdo is-mariwaaga dhinacyada.
b) Kulan-hawleedku markuu ku qancay in loo baahan yahay midnimada Saxaafadda
waxa uu ku dhawaaqay aasaaska Daladda Midowga Saxaafadda Somaliland [Unioin of
Somaliland Journalists (USJ)]
c) Waxa aqlabiyad lagu ogolaaday guddi si ku-meel-gaadh ah u sii haysa
hoggaaminta Dalladda Midowga Saxaafadda Somaliland, soona diyaarisa
dhammaystirka qabyada dalada sida xeerarka, furitaanka xafiiska, iwm. Guddidaa
oo magacyadoodu kala yihiin:
1. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) Gudoomiye
2. Khadar Maxamed Cakule Gud-Xigeen
3. Maxamed Xuseen Rambo Xoghayaha Guud
4. Faysal Cali Sh. Maxamed Xubin
5. Cali Cabdi Diini Xubin
6. Faysal Maxamed Cabdi (Fadhfadhle) Xubin
7. Cabdiraxmaan Aadan Dhameeye Xubin
8. Xadiis Maxamed Xadiis Xubin
9. Xasan Shukri Aw Cali Xubin
10. Cabdirisaaq Maxamed Dubad Xubin
11. Nasra Aw Ciise Kaahin Xubin
12. Xayaad Maxamed Cabdillaahi Xubin
d) Waxa Mabda'iyan la isku raacay in la abuuro guddida Cabashooyinka iyo
Anshax-marinta.
e) Xubinta guddida ka galaysa hay'ad Warbaahineed waa inay buuxisaa shuuradda
Suxufiga ee ku tilmaaman xeerka Saxaafadda.
f) In loo hawl-galo sidii uu xeerkii Saxaafadda Somaliland ee labada gole
baarlamaan ansixiyeen, madaxweynuhuna saxeexay u noqon lahaa dhaqan-gal, waxaana
la isku raacay in hawshaa loo igmado guddidii hore ee uu u xilsaaray
kulan-hawleedkii SOLJA ee ku qabsoomay Maansoor.
Dhinaca kale, waxa ka soo baxay shirka baaq ka kooban laba qodob:
I. Xaaladda Dalka: Shir-hawleedku markuu ka dooday xaaladda dalku marayo iyo
khilaafka cakiran ee taagan, isla markaana garawsaday welwelka shacbiga
Somaliland ka qabo xaaladda, waxay suxufiyiintu ugu baaqayaan xisbiyada iyo
Xukuumadda in wada-hadal iyo isu-tanaasul lagu dhammeeyo khilaafka taagan, sida
ugu dhakhsaha badanna wada-hadal ay isugu soo horfadhiistaan.
II. Xeerka Saxaafadda: Suxufiyiintu waxay ugu baaqayaan saddexda waaxyood ee
qaranka (Xukuumadda, Baarlamaanka iyo Garsoorka) inay ixtiraamaan xeerka
Saxaafadda, xeer No: 24/2004 ee ay ansixiyeen labada gole ee Baarlamaanka,
Madaxweynuhuna saxeexay, isla markaana lagu dhaqmo.”
__
Source: Hadhwanaag News
Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights
reserved.
For problems or questions regarding this web contact
[Webmaster].
| |
|
|
|