Baarlamaanka Yurub Oo Maanta Kulan Ka Yeelanaya
Qaddiyadda Somaliland
May 15, 2008
Xubnaha Baarlamanka ururka Midowga Yurub ayaa maanta kulan ballaadhan ka
yeelanaya qaddiyadda dalalka aan aqoosniga haysan oo Somaliland ku jirto.
Kulanka ay yeelanayaan Baarlamanka Midowga Yurub oo ka dhici doona xaruntooda
Brussels ee caasimadda waddanka Biljam, ayaa waxa soo abaabulay dalka
Transniestria oo sannadkii 1990kii ku dhawaaqay madaxbannaanidiisa, kadib markii
uu ka go’ay Maldora oo ku yaal bariga qaaradda Yurub, isla markaana ka mid ah
dawladaha aan beesha caalamka ka haysan aqoonsi sida Somaliland.
Shirkan oo ah kii ugu horreeyey noociisa ah ee Baarlamanka Yurub ka yeesho
qaddiyadda dalalka aan aqoonsiga caalamiga ah haysan oo ay ka mid yihiin
Somaliland, Transniestria, Abkhazia, Woqooyiga Qubrus iyo Taiwan, waxa
hal-ku-dheg looga dhigay ‘KU DARIDDA AJANDAYAASHA CAALAMIGA AH EE DUNIDA
QADDIYADDA WADDAMADA AAN LA AQOONSAN,’ kaas oo si qoto dheer loogaga hadli doono
caqabadaha iyo fursadaha ay dalalkaasi ku leeyihiin qaanuunka dawliga ah, waxana
ka qaybgeli doona ergooyin metelaya dhammaan waddamada xubnaha ka ah Baarlamanka
Yurub.
Kulanka Khamiista u furmaya Baarlamanka Yurub oo ay ka qaybgelayaan khubarro iyo
aqoonyahanno caalami ah, isla markaana hal maalin socon doona waxa loo kala
jebiyey saddex qaybood oo ta hore tahay, in lagaga doodo sidii qaddiyadda
dalalka aan la aqoonsan ee buuxiyey dhammaan shuruudaha iyo xeerarka dawladnimo
loogu soo bandhigi lahaa bulshada caalamka, iyadoo loo eegayo xeerarka dawliga
iyo kuwa caalamiga ah ee dunida, qaybta labaadna waxa lagu falanqayn doonaa
arrimo la xidhiidha xaaladaha caafimaadka, dhaqaalaha iyo ammaanka ee ka jira
waddamadaas, waxana qodobadda ugu xiisaha badan ee qaybtan lagu soo qaadan doono
ay ka mid yihiin caqabadaha ka hortaagan inay dalalkaasi galaan heshiisyo
ganacsi oo caalami ah iyo in ay maalgashi caalamiya ka helaan dunida, halka
qodobka saddexaadna si weyn loogu lafoguri doono dimoqraadiyadda iyo
dawlad-wanaagga ka jira dalalka aan la aqoonsan iyo weliba mushkiladaha ka
xannibay fulinta ku dhaqanka nidaamka dimoqraadiyadda iyo dawlad-wanaagga,
iyadoo qaybtan ay ku ladhan tahay in diiradda lagu saaro xeerarka
xuquuqal-insaanka, dhismaha ururrada bulshada rayidka ah iyo heerka
dimoqraadiyadeed ka jira waddamadaas siyaasad ahaan beesha caalamku go’doomisay.
Shirkan ayaa la sheegay inuu muhiimad gaar ah yeelan doono waddamada aanay
beesha caalamku aqoonsayn, balse dal ahaan buuxiyey shuruudihii iyo xeerarkii
dawladnimo ee lagu ictiraafi lahaa, kulankaas oo ay hagayaan kooxda la
magac-baxday ‘Isbahaysiga Xornimada iyo Dimoqraadiyadda Qaaradda Yurub’ (ALDE),
kaas oo ah isbahaysi dhexdhexaada ahna ururka saddexaad ee ugu awoodda weyn
Baarlamanka Midowga Yurub, iyadoo ay intaa u dheer tahay in isbahaysigani
taageero ka haysto ururka caalamiga ah ee metela dalalka iyo dadka aan la
aqoonsan ee magaciisa loo soo gaabiyo ‘UNPO.’ Kulankaas waxa si weyn loogu
fallanqayn doonaa sidii waddamada aan beesha caalamka ictiraafka ka haysan looga
taageeri lahaa ku dhaqanka hannaanka dimoqraadiyadda iyo dawlad-wanaagga, isla
markaana qaddiyadaha aqoonsi-raadintooda loogu soo bandhigi lahaa masraxyada
dunida, iyada oo ujeeddada ka dambaysa shirkanna tahay sidii waddamadaasi
caalamka uga heli lahaayeen aqoonsi dawladnimo oo buuxa.
Arrintan ayaa la sheegay in ay ka dhalatay, kadib markii shir ka dhacay
magaalada London ee carriga Ingiriiska Arbacadii toddobaadkii hore si weyn
loogaga hadlay qaddiyadda dalka aan aqoosniga rasmiga ah haysan ee Transniestria,
waxana kulankan ka qaybgelaya Guddoomiyaha Baarlamanka dalkaas Mr. Yevgeny
Shevchuk, isla markaana ah guddoomiyaha xisbiga ugu weyn Transniestria oo la
yidhaa RENEWALL, kaas oo si qoto dheer uga hadli doonaa sida dalkiisa iyo
waddamada kalee aan ictiraafka haysan ay beesha caalamku ugala bakhayleen inay u
fidiyaan aqoonsi buuxa. Sidoo kale waxa shirka tegi doona wakiillo ka socda
waddamada aqoonsiga haysan sida Somaliland, Taiwan, Woqooyiga Qubrus iyo
Abkhazia.
Waxyaabaha kale ee kulankaas lagu soo qaadi doono waxa ka mid ah in diiradda
lagu saaro heerarka xuquuqal-insaanka, xoojinta ururrada bulshada rayidka ah iyo
ku dhaqanka hannaanka dimoqraadiyadda ee ka jira dalalka siyaasad ahaan la
faquuqay ee aqoonsiga loo diiday iyagoo buuxiyey dhammaanba shuruudihii
dawladnimo ee looga baahnaa ee ka jira waddamada ku kala yaal Yurub, Aasiya iyo
Afrikaba, kuwaas oo aan la garanayn sababaha rasmiga ah ee ilaa hadda dunidu
isaga indho-tirtay ictiraaf buuxa.
Kulankan ayaa la filayaa inay ka soo baxdo natiijo muhiim ah oo ka farxisa
dalalka u baahan in la aqoonsado, kuwaas oo ay ugu horreeyaan shanta dale ee
Somaliland, Transniestria, Abkhazia, Woqooyiga Qubrus iyo Taiwan.
__
Source: Waaheen