SOMALILANDHORTA


 

 

Dowlada Ruusha Oo La Wareegtay Howlaha Afduubka Markabka Faina
October 1, 2008


Dowlada Maryekanka oo haatan laba ka mid ah Maraakiibteeda dagaalka iyo ciidamadeeda Mariiniska ah ay ku sugan yihiin meel aan ka fogeyn halka lagu heysto markabka hubka sida ee ay qafaasheen burcad badeeda, ee degaanka Ceel Huur ee degmada Hobyo ayaa ku baaqaday in si nabadgalyo ah lagu xaliyo arinta Markabkaasi, waxaana howlaha lagu furdaaminaayo Markabkaasi hubka sida la wareegay Dowlada Ruushka iyadoo halkaasi y dirtay Markabkeeda dagaalka casriga ah ee Neustrashimy.

Wasaarada Difaaca wadanka Mareykanka ayaa ku baaqaday in si nabadgalyo ah lagu xaliyo markabka laga leeyahay wadanka Ukraine ee sida hubka & saanada  dhan 2000 oo tan  ayna ku jiraan 33-Tangi oo 72 ah, waxaana la sheegay in 700 oo tan oo shixnadaasi ka mid ahi ay yihiin qoriga sabanka (RPGs), tiro Hoobiyayaasha iyo qoryo Gacm,eedyo AK-47 iyo BKM ah, waxaana la socda rasaastooda , iyadoo Markabka Faina  ay haatan gacanta ku hayaan kooxaha burcad badeeda Soomaalida ay ku afduubteen xeebaha Soomaaliya.

Waxay xaqiijisay Wasaaradda in ujeedada Maraakiibta ku hareereeysan markabkaasi ay tahay inay baxsadaan kooxahaasi iyo in wax hub ah aan lagala dagin, inta uu ka soo gaaro Markabka Dagaalka ee Ruusha ee lagu magacaabo Interpido ama Neustrashimy, oo ku hubeysan Gantaalada  cruise missiles, torpedoes & madaafiicda, waxaa sidoo kale saran noocyada Diyaaradaha dagaalka ee kuwa qumaatiga u kaca ah, iyo kuwa Ciidamada qaada. Waxaana la filayaa inuu todobaadkaan soo gaaro degaanka Ceel Huur,  Saraakiisha Mareykanka  ayaa sheegay  iney  u oggolaadeen iney raashinka iyo biyaha loo gudbiyo waxaana lagu wargeliyay inaan wax laga dejin Markabkaasi.

Afhayeenka ayaa hadalkiisa intaasi raaciyay in tiro maraakiibta Mareykanka ay ka dhowri doonaan markabkaasi, inkasta oo sarkaalkaasi aanu cadeyn in ciidamada ay doonayaan in si xooga ah ay ku soo furtaan markabkaasi iyo shaqaalaha saaran. Sarkaalkaan ayaa sheegay iney ciidamada Mareykanka ee ku hareereeyasan markbakaasi ay awood u leeyihiin in ay si xoog ah ku soo furtaan hadana ay door bidayaan in si nabada ah lagu xaliyo arinta markabkaasi. sarkaalkasi u hadlay wasaarada difaaca Wadanka Mereykanka waxaa uu ka gabsaday in wax wadahadalo ah ay la leeyhiin kooxaha burcad badeeda balse waxaa uu sheegay in laga yaabo in dowlado kale ay wadahadal la galeen kooxaha burcad Badeeda Soomaalida ah ama iyaga u daayaan iney fuliyaan howlgalkaasi dalkaasoo ah Dowlada Ruushka.

__

Source: Wadanka