SOMALILANDHORTA


 

 

Sida Keliya Ee Budhcad Baddeedu Xal Loogu Heli Karaa Waxay Tahay Inay Beesha Caalamku Somaliland.....
October 2, 2008


Christian Bedford, Khabiir La-Taliye U Ah Taliska Ciidamada Badda Canada,

Labadii toddobaad ee u dambeeyay waxaa caalamka dhakafaar weyn afduubka lagu hayo maraakiibta dunida ee ka gooshaysa marin biyood gacanka Cadmeed ee ku beegan xeebaha Somalia, halkaas oo ay sannadii u dambeeyayba ay ku sii xoogaysanayaan marba marka ka dambaysa kooxo budhcad baddeed Somali ah oo meherad ka dhigtay inay ka ganacsadaan Afduubka Maraakiibta ay ka qafaashaan biyaha Gacanka Cadmeed iyo badweynta Hindiya, iyagoo Maraakiibtaas siideyntooda ka qaata lacag madax-furasho ah oo malaayiin dollar lagu qiyaasay, waxaanay sannadkan oo keliya afduubeen in ka badan 30 Markab oo ay ilaa hadda gacanta ku hayaan dhawr toban oo uu ka mid yahay Markab la yidhaahdo Fiana oo laga leeyahay dalka Ukraine, kaas oo xambaarsan shixnad hub ah oo ay ku jiraan ugu yaraan 30 Taangi oo ah nooca casriga ah ee lagu farsameeyo dalka Ruushka, iyadoo shixnadaas la sheegay inay u socotay dalka Kenya.

Kooxaha Budhcad Baddeeda Soomaalida ah ee ku mamtay lacagta madax-furashada ah ee ay ka qaataan Maraakiibta ay soo afduubayaan, ayaa la sheegay in yihiin shabakad isku xidhan oo ay ka mid yihiin maalqabeeno iyo ganacsato Soomaali ah oo degan dalal ay ka mid yihiin wadamo ku yaal Yurub, Afrika, Khaleejka Carabta iyo Waqooyiga Ameerika, kuwaas oo la sheegay inay maalgeliyaan hawl-galada ay qaadaan kooxaha budhcad baddeeda ah ee ku sugan xeebaha maamul-goboleedka Puntland, isla markaana la qayb-sada lacagta madax-furashada ah ee laga qaado maraakiibta ay soo qafaashaan.

Haddaba, toddobaadkan u dambeeyay ayaa waxaa indhaha caalamku ay si xoog leh ugu soo jeesteen hawl-galada budhcad baddeed, kadib markii ay koox ka mid ah budhcad baddeeda Soomaalidu ay markabka hubka sidda gacanta ku soo dhigeen, kaas oo khalkhal geliyay Maraykanka iyo wadamada Maraykanka kula jira la-dagaalanka Argagixisada, kuwaas oo cabsi weyn ka muujiyay khatarta uu yeelan karo haddii uu hubka Markabkaas saarani u gacan galo kooxaha Islaamiyiinta ah ee dagaalka kula jira ciidamada Itoobiya ee ku sugan Somalia iyo dawladda Mbagathi ee taagta daran, oo labaduba xulifo kula ah Maraykanka sidii looga hortegi lahaa inay kooxahaasi gacanta ku dhigaan maamulka Somalia.

Khabiir ku takhasusay Arrimaha Siyaasadda ee Asia iyo wadamada ku yaal Badweynta Pacific, isla markaana La-taliye dhinaca siyaasadda u ah Talis guud ee Ciidamada Badda ee Dalka Kanada, Mr. Christian Bedford, ayaa qoraal dheer oo uu ka qoray Budhcad Baddeeda Somalia iyo sida xal loogu heli karo waxa uu sheegay in aan loo maaro heli doonin kooxaha budhcad badeeda ah ilaa laga helo awood iyo nidaam dawladeed oo lagu xakameeyo hawl-galada iyo dhaqaaqyada budhcad baddeeda.

Khabiirku waxa uu sheegay in iyadoo Maraakiib iyo ciidamo badan oo wadamada reer galbeedka ka socdaa ay ku sugan yihiin badda gacanka Cadan, haddana ay budhcad baddeed maalin walba maraakiibta ganacsiga ku weerarayaan meelo ka baxsan biyaha Somalia, taasina ay daliil u tahay inaan loo maaro helayn budhcad baddeeda ilaa la helo maamul dawladeed oo awood leh in la xakameeyo.

Sidaas darteed waxa uu khabiirkani beesha Caalamka u soo jeediyay inay bulshada caalamka haddii ay ku fashilmeen inay Somalia oo dhan maamul keliya u sameeyaan ay banaan tahay oo keliyi inay aqoonsadaan Maamulada iskood uga go’ay Somalia, isagoo tusaale u soo qaatay Somaliland iyo weliba maamul-goboleedka Puntland, kuwaas oo ay mid waliba qaadi doonto masuuliyadda la socodka dhaqdhaqaaqyada xeebahooda.

“Aqoonsi la siiyo labadan maamul waxay kaloo xoojin kartaa inay ballaadhiyaan hay’adahooda maamul, isla markaana ay budhcad baddeeda iskugu ururiyaan xeebaha koonfurta Somalia oo ah meel aanay ka jirin sharci iyo maamul toona, taas oo u sahli doonta ciidamada xulifada inay diiradda saaraan iyagoo u raacaya qaraarka uu golaha Amniga ee Qaramada Midoobay dhawaan ka soo saaray falal budhcad baddeeda xeebaha Somalia ka jirta,” ayuu qoraalkiisa ku yidhi Mr. Bedford.

Waxa kale oo uu Khabiirkani ku taliyay in aqoonsi la siiyo Somaliland iyo weliba Puntland ay wax ka tari doonto xal u helida dagaalada daba-dheeraaday ee Somalia ka socda iyo budhcad baddeeda ka jirta xeebaheeda.

“Waxa si cad u muuqata in loo baahan yahay tallaabo cusub oo wax ka tarta qalalaasaha ka jira Somalia iyo in laga takhaluso budhcad-badeeda xeebaheeda ka jira. Waxaa suurto-gal ah in tallaabadaasi ay noqonayso in la aqoonsado maamulada Somaliland iyo Puntland, kuwaas oo ka madax banaanaa maamulka Muqdisho ku dhawaad labaataneeyo sannadood, isla markaana faranta hore ugu jira la-dagaalanka budhcad baddeeda,” ayuu yidhi Mr. Christian Bedford.

__

Source: Qaran News