|
|
SOMALILANDHORTA
|
|
Kooxda Imbagati Oo Isku Diyaarineysa Safarka Neyroobi
October 2, 2008
Dhaqaaq Ciidamo ayeey ka wadaan qeybo ka tirsan wadada marta Sayidka, KM-4 ilaa
Garoonka Diyaaradaha Muqdisho Ciidamada Yugandha, kuwa Ethiopia iyo
Maleeshiyaadka Copy-ga ee Kooxda Imbagati, Howlgalkaan ayaa lagu sheegay iney
isku diyaarinayaan Madaxda Kooxda Imbagati safar ay ku tagayaan magaalada
Neyroobi ee dalka Kenya kadib markii halkaasi looga yeeray.Ciidamadaan ayaa
dhaqdhaqaaqyadoodan kuwa ugu xooga badan waxa ay ka wadaan Wadada ka baxda
Madaxtooyada ee qabata Garoonka diyaaradaha & wadooyin kale oo muhiim u ah
ciidamada Shisheeye ee ilaaliya Kooxda Imbagati kuwaasoo kaashamaanay kuwa Copy-ga
ee Imbagati, waxeyna baaris xoogan ku hayaan dadka & gaadiidka maraaya
wadooyinkaasi.
Waxaana ayaa laga filayaa xiliyada soo socda iney xireen guud ahaan wadada dheer
ee Maka Al-Mukara, waxaana la sheegay iney maanta Muqdisho si wadajir ah uga
dhoofayaan Madaxda Kooxda imbagati qaarkood, lamana yaqaano waxa xigi doona
iyadoo dad badni oo reer Muqdisho ah ay wel wel ka muujiyeen inuu dagaal xoogan
dhex maro Xoogaga Xarakada Al-shabaab & kuwaan.
Warar hoose ayaa sheegaya in ay madaxdan tagaya ay ka mid yihiin Madaxa Imbagati
Col.C/laahi Yuusuf & Col.Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde),waxeyna ku sii jeedaan
magaalada Nayroobi, iyadoo la filaayo iney sii qaado diyaarad laga leeyahay
dalka Yugandha.
Howlgallada ciidamada waxa ay ka bilowdeen aroorti hore ee saakay Magaalada
Muqdisho, waxaana sidoo kale ciidamadu ay galeen degmooyinka ku dhow dhow
Garoonka diyaaradaha oo ay jid walba galeen. Safarkaan ay wararku ay sheegayaan
iney maantay Muqdisho kaga baxayaan Xubnahaan & Xildhibaano ku sugan Muqdisho,
ayaa lagu macneeyey casumaad ay ka heleen Ururka IGAD.
__
Source: Wadanka
| |
|
|
|