SOMALILANDHORTA


 

 

Ololaha Wacyi-Gelinta Diiwaan Gelinta Codbixiyayaasha Doorashada Oo Ka Bilaamatay Laascaanood
October 3, 2008


Waxaa maanta si rasmi ah uga bilaamay magalada laascaanood ee xarunta gobolka sool ololaha wacyi galineed ee diiwaan gelinta doorashada ka dhici doonta soamliland sanada soo socota,talaabadan ayaa waxaa ay tahay tii u horaysay ee ku aadan ololahaasi diiwaangelinta lagu wacyi galinayo dadwaynaha oo ka dhacday gudaha magalada,waxaana fulinaya hawshan dallada ururada hawenka ee gobolka sool ee la yidhaahdo NAGAAD iyagoo sheegay ururku inay wadayaan ololahan mudo laba bilood ah oo todobaadkiiba labo maalmood laga samayn doono magalada wacyi gelintan si dadka looga dhaadhiciyo waxay tahay is diiwaan gelintu.

Waxaa ilaa saaka dhex marayey gudaha iyo xaafadaha kala duwan ee magalada baabuur ay ku rakibanyihiin mikirifoonada codbaahiyayaasha ah kuwaasi oo loo adegsanayo in lagu gaadhsiiyo dhamaanaba dadwaynaha codka ololaha iyadoo ay baburtaasi dhinacyada kaga xiranyihiin boodhadh lagu qoray hal ku dhagyo lagu muujinayo faa'idada isdiiwaan gelintu.

Waa markii ugu horaysay oo ay sidan oo kale si guul leh uga hirgasho ololaha diiwaangelintu iyadoo lagu wado in gabi ahaanaba magalada laascaanood iyo guud ahaanba gobolka sool oo dhan ay ka dhici doonto doorashada hadii eebe idmo iyadoo aysan si guud uga wada bilaaban ololahu ayaa magalada laascaanood waxaa ay noqotay meelaha uu ugu hor bilaamay.

Dhinaca kale waxaa iyana maanta ka bilaamay qaadista canshuuraadka baabuurta lagu soo rogay oo ka bilaamatay magalada iyadoo saaka lagu arkayey kantroolka bari ee magalada baabur aad u tiro badan oo kuyuu ugu jira bixinta canshuurta,waxayna waaxda cashuuraadku sheegeen inay si arsmi ah u bilabi doonaan nooc kasta oo cashuur ah.

Arintan ayaa ka dambaysay ka dib markii dhawaan si rasmi ah iridaha loogu furay waaxdii wasaarada maaliyada gobolka ee aan hore u shaqayn jirin iyo bankiga oo isna hada la furay iyagoo dhamaanaba ay sheegen masuuliyiinta maaliyadu in ay si dhakhso ah u shaqayn doonaan qaybhas oo dhami.

__

Source: Hadhwanaag News





 

 


  Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights reserved.
For problems or questions regarding this web contact [Webmaster].