Xaflad Sanad Guuradii 5'aad Ee Jaamacada Nugaal
University Iyo Shahaado Bixin Maanta La Qabtay
October 4, 2008
Waxaa maanta lagu qabtay Hoolka shirarka ee Hotel xamdi xaflad si wayn lo soo
agaasimay oo lagu xusayay sanad guuradii shanaad ee Jaamacada Nugaal University
iyo waliba shahaado bixin lasiinayay ardayd ka qalin jabisay Jaamacada iyo
waliba shahaado sharaf lasiiyay dadkii doorka muhiimka kasoo qaatay jaamacada
horumarinteeda. Ugu horayn waxaa goobta xaflada ka hadlay Gudoomiye kuxigeenka
Jaamacada Nugaal University C/naasir (Abushaybe) wuxuuna halkaasi kasoo jeediyay
marxaladihii ay soo martay Jaamacda Nugaal iyo sida ay ku bilaabmatay iyo halka
ay maanta marayso iyo waliba kuliyadaha ay jaamacadu bixiso iyo kuwo cusub oo ay
hadda bilaabayso isagoo sidoo kale dadka deegaanka ku canaantay inay
waxbaarshada ku dadaalaan taas oo uu ku tilmaamay in waxbarashadu ay tahay waxa
kaliya ee wax lagu qabsan karo.
Sidoo kale waxaa microphone-kii loo dhiibay oo goobtaasi ka hadlay Aadam Cali
Nuur oo u hadlay Ganacsatada isagoo ah Chairman ka shirkada Golis isagoo
halkaasi bogaadin dheeri ah uga soo jeediyay Jaamacada balan qaadayna inuu
shirkad ahaan wax ku darsanayo sida shirkadihii isaga ka horeeyay.
Jaamac Maxamed Mire (Amiirka) una hadlayay Bulshada ayaa waxa uu si wayn ugu
dheeraaday qiimaha ay lee dahay waxbarashadu isagoo halkaasi kasoo jeediyay
hadalo kaftan iyo dhiiri gelin isugu jira Sidoo kale Dr: Obsiiye Cilmi ayaa waxa
uu si wayn u amaanay dadka bulshada mandaqadan halka ay joogi jireen bulshada
Soomaaliyeed xagga aqoonta maantana xusay inay meel wacan marayaan.
Abwaan Jaamac Nuur Shal-qanle ayaa waxa isna halkaasi kasoo jeediyay gabay uu ku
sharaxayo dhaqanka kaas oo si wayn loo la dhacay sidoo kale Samsam Ducaale oo ku
hadlaysa afka Hay'adaha ahna madaxa WHO ee Gobolka ayaa waxa ay xustay in hay'ad
ahaan ay wax ku biirinayaan Jaamacada gaar ahaana WHO ay ay wax ku darsanayaan.
C/kariim Olol ooo ku hadlaya af Local NGO's ahna Ururka caruurta Gobolka Sool ee
SCHDO (Sool Children Development Organization) ayaa sheegay qiimaha waxbarashada
iyo in si wayn wax loogu qabto bahda waxbarashada sidoo kale Saleebaan Awad
Baaruud oo kamid ah ardayda Jaamacada ayaa waxa uu kasoo jeediyay hadalo kooban
oo dhiiri gelin ah.
Mid kamid ah qurba joogta Gobolka Faarax Ciise Cabdi ayaa waxa uu halkaasi kasoo
jeediyay hadalo si wayn u guux gelyay madasha taas oo ku saabsanayd masiirka
umada isagoo xusay in dhibta iyo waxa jira laga baadho magaalada gudaheeda
iyadoon mee kale la aadin dadkana ka codsaday inay gacmaha isqabsadaan danta
umadana laga shaqeeyo sidoo kale xagga bulshada iyo Jaamacada waxaa lagu soo
gabo gabeeyay C/risaaq Lafoole oo ah Gudoomiyaha Jaamacada Nugaal University.
Hadaba waxaa lagu soo dhaweeyay dhanka masuuliyiinta maamulka Somaliland iyadoo
halkaasi uu ka hadlay mid kamid ah Golaha Guurtida Caydiid Cabdi Maxamed iyo
Gudoomiyaha Degmada Laascaanood oo sheegay in uu maamulku xagga waxbarashada si
wayn wax uga qabanayo dadkuna u diyaar garoobaan inay wax bartaan si noloshooda
ugu faa'iideeyaan iyo tan bulshada.
Ugu danbayntii ayaa waxaa hadalkii soo gabogabeeyay Gudoomiyaha Gobolka Sool
Cali Maxamuud Axmed ( Cali Sandule) isagoo sheegay inay jaamacada la garabtaagan
yihiin wixii ay jaamacadi lahayd xusayna inay hadda kamid tahay jaamacada ay
Somaliland aqoonsan tahay sida Jaamacada Camuud,Jaamacada Hargeisa,Jaamacada
Burco iyo Jaamacada Nugaal University ayna lee yihiin wax isku mid ah isagoo
Gudoomiyihuu uu halkaasi ku qaybiyay shahaadooyin kala gedisan oo uu u kala
qaybiyay ardaydii Jaamacada ka qalin jabisay iyo dadkii iyo shirkadihii wax
siiyay Jaamacada.





Amiir Digaale Sanqoole

Dr:Obsiiye

Hotel Xamid International Laascaanood

SamSam Duaacle Aadan madaxa WHO ee Gobolka Sool

Maamulaha shirkada Hantelcom saleebaan baaruud ahna
arday dhigta Jaamacada

Gudoomiyaha Jaamacada NU C/Risaaq Lafoole

Oday Faarax ciise cabdi

Maamulaha shirkada TELESOM C/Risaaq Dhabayaco oo
ashahaado gudoomanaya
Wakiilka dahab shiil ee gobol Sool Nuur oo Shahaado
gudoomaya.


Maxamed Jaamac Filibiin oo Ashahaado gudoomaya

Oday golaha Guurtida Somaliland Ka tirsan Caydiid Cabdi
Maxamed

Gudoomiyaha Degmada laascaanood Axmed Aw daahir

__
Source: Hadhwanaag News