Itoobiya Oo Isha Ku Haysa ta ay Isticmaali Lahayd
Dekedaha Geeska Africa
October 4, 2008

Dawladda Itoobiya oo muddo badan ku hamiyeysan sidii ay u heli lahayd marin
biyood dhinaca badda ah, ayaa waqtigan indhaha ku haysa midka ay ka adeegsan
lahayd dekedaha Somaliland iyo maamul-goboleedka Puntland.
Itoobiya oo tan iyo waqtigii Eritrea ka go’day bilaa marin biyood ahayd ayaa si
weyn ugu xidhnayd Dekedda Djibouti, balse waqtigan maamulka Males Zanawi waxa uu
qorshaysanayaa sidii uu dalalka Geeska Afrika uga samaysan lahaa marin biyood,
inkasta oo aan la hubin inuu ka digo-roganayo Dekadda Djibouti ee uu hadda
isticmaalo oo sannadkii ay uga soo degaan 4.6 milyan tan oo alaabooyin kala
duwan ah, iyada oo Djibouti-na uu sannadkii ka soo galo dakhli lagu qiyaaso $300
milyan.
Sida shalay lagu faafiyey bogga wararka ee strategypage.com waxay dawladda
Itoobiay u hanqaltaagaysaa sidii Dekadda Berbera, Boosaaso iyo Mambassa ee dalka
Kenya ay u adeegsan lahayd, iyada oo Itoobiya iyo Kenya sannadihii u dambeeyey
ay ku jireen wadahadallo ku saabsanaa sidii loo tayeyn lahaa xidhiidhka ganacsi
iyo isu-socod ee labada dal.
Balse, dawladda Itoobiya oo dekedaha ku yaal Geeska Afrika ku kala xulaynaysa
dhinaca amnigooda iyo hdawaanshaha ayaa la filayaa inay si gaar ah isha u saarto
labada dekedood ee Berbera iyo Boosaaso oo labaduba aad ugu dhow.
Iyada oo ay sidaa tahay ayey haddana labada dekedood kala ammaan badan yihiin,
marka la eego kooxaha budhcad-badeedka ee faraha baas ku haya xeebaha Puntland.
Waxa kale oo jirtay in Somaliland iyo Itoobiya ay hore u kala saxeexdeen heshiis
isticmaalka Dekedda Berbera ah, kaas oo Itoobiya u oggolaanaya inay badeecadaha
kala soo degto.
__
Source: Jamhuuriya