|
|
SOMALILANDHORTA
|
|
Wasiirka Duulista Iyo Hawada Oo Qabtay Shir Jaraa'id
Sheegayna In Aan Somaliland Lagu Soo Gali Karin Baasboorka Cusub Ee Soomaaliya
October 5, 2008
Wasiirka Duulista Hawada Somaliland Cali Maxamed Waran-Cadde ayaa shir'jaraaid
oo uu qabtay ku sheegay in Baasaboorkii hore ee Cagaarka ahaa ee Somalia lagaga
dhoofayo Madaarada Somaliland sanadkan, isla markaana aanay Xukuumad ahaan
aqoonsanayn Baasaboorka cusub ee dhawaan ay hirgelisay kooxda Imbigaati ee uu
hogaaamiyo C/laahi Yusuf. Wuxuuna ugu baaqay dhammaan umadda Soomaaliyeed inay
madaarada Somaliland kaga dhoofi karaan gudashada Xajka ee sanadkan Baasaboorkii
hore ee Cagaarka ahaa. Wasiirka oo shir-jaraa’idkiisaasi uu maanta ku qabtay
magaalada Hargeysa ayaa daboolka ka qaaday mawqifka xukumada Somaliland waxa
aanu sheegay in aan Madaarada Somaliland aan lagu soo geli karin Baasaboorka
cusub ee ay soo samaysteen kooxda Imbigaati kuwaasi oo aan haba yaraatee aan
ahayn dawlad ayna jirina dal ay iyagu maamulaan oo gacanta ugu jira.
Waxa aanu cadeeyay in garoomada diyaaradaha ee Somaliland lagaga dhoofi karo oo
kaliya Baasaboorka Somaliland iyo kii hore ee Cagaarka ahaa. Waxaanu sheegay in
ay xukuumad ahaan soo dhawaynayaan oo ay ogol yihiin isticmaalka Baasaboorkii
hore ee Cagaarka ah oo ay dadweyanaha ogaysiinayaan sidaasi
Dadyowga Somaliyeed ee aanu jaarka nahay ee Islaamka waxa aan u sheegaynaa in
garoomada Somaliland ay kaga dhoofiakaraan basaaboorkii hore ee cagaarnaa, oo ay
Xajka, kuna socdaali karaan kaasi, sidii ay horeba ugu isticmaali jireen, taasi
oo dad badani ay kaga dhoofeen madaaradyada xajkii hore.
Wasiirka waxa la waydiiyay su’aal u dhignayd, "Baasaboorkan Cagaarka ah miyaan
dawladda Sacuudigu joojinin, sidee loogu tagi karaa Xajka? Waxa uu ku jawaabay,
“Maya, ma joojinin wali oo sanadkii dhawaa Xajka ayaan tegay, waxay ku talo
galeen inay joojiyaan, hase yeeshee waxa dhacday in laysku qabtay oo ay
yidhaahdeen kii hore ha la wado. Waxaanu u sheegaynaa Dawladaha Sacuudigu ka mid
yahay Xajku maaha wax siyaasad geli kara,” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo
uu yidhi, “Somaliland-na waxa lagaga dhoofi karaa Baasaboorka Somaliland iyo
dadka haysta kii hore.” intaba iyada oo uu sheegay in marnaba aan basaaboorka
cusub ee ay soo samaysteen kooxda C/laahi Yusuf aan marnaba lagu soo gali karin
Somaliland isla markaasn aan lagaga dhoofi karin.
__
Source Qaran News
| |
|
|
|