|
|
SOMALILANDHORTA
|
|
Xafiiska Wasaarada Maaliyada Ee Gobolka Sool Oo Iridaha
Loo Furay
September 29, 2008
Waxaa si rasmi ah loo furay iridaha wasaarada maaliyada ee Gobolka Sool tan iyo
intii maamulka Somaliland uu soo gaadhay xarunta Gobolka Sool ee Laascaanood
iyadoo wasaaradani ay kamid ahayd wasaaradaha far ku tiriska ah ee aan ka
furnayn Gobolka taas oo ay shacabka magaalada Laascaanood si wayn u sugayeen
inay arkaan wasaarada maaliyada oo ka shaqaynayasa Gobolka Sool.
Waxaa soo gaadhay magaalada Laascaanood wafdi balaadhan oo uu hogaaminayo
Agaasimaha guud ee wasaarada maaliyada ee Gobolka Sool Axmed Daa'uud Geedi iyo
Agaasimaha canshuuraha barriga Wali Daa'uud Cigaal iyadoo sidoo kalena ay la
socdeen saraakiil fara badan oo ka socda Wasaarada maaliyada kuwaas oo bilaabi
doona sidii ay u shaqayn lahayd wasaaradu tababobarana siin doona shaqaalaha
cusub ee wasaarada maaliyada.
Sidoo kale waxaa la socday saraakiisha wasaarada maaliyada ee JSL xisaabiyaha
Gobolka Sool ee wasaarada maaliyada Axmed Cabdi Cige horena uga tirsanaan jiray
wasaaradii maaliyada ee Gobolka Sool ee maamulkii horay uga arimin jiray
magaalada ee Puntland isagoo Axmed Cabdi cige mudooyinkii danbe ku maqnaa
xurunta Somaliland ee Hargeisa.
Mar aan wax ka waydiinay furitaanka xafiiska iyo wax qabadkiisa Agaasimaha Guud
ee wasaarada Maaliyada Axmed Daa'uud ayaa waxa uu sheegay in hadda la dhaqaanin
doono xafiisyada Canshuuraha barriga,Kastamada iyo Xisaabaadka iyadoo hadda
lasoo raray ayuu yiri kastamkii Caynaba hadda wixii wax ka danbeeyana kastamku
ahaan doono barriga magaalada Laascaanood.
Hadaba Wasaarada Maaliyada ee hadda soo gaadhay magaalada Laascaanood ayaa waxa
ay wadaa bilaydho iyo buugaag labo boqol oo baabuur ah kuwaas oo lagu samayn
doono canshuur dhaaf taas oo ahayd mid horay Dawlada Somaliland ay ugu balan
qaaday shacabka reer Laascaanood kadib markii ay soo gaadhay magaalada
Laascaanood.
__
Source: Qaran News
| |
|
|
|