|
|
SOMALILANDHORTA
|
|
Warar Waabsan
September 29, 2008
Wasiirka awqaafta ee Somaliland ayaa ku dhawaaqay inney beri Ciid tahay, dalal
badan oo Caalamka Islaamiga ahna iyana beri waa laga ciidayaa.
Madaxweynaha JSL ayaa isaguna hambalyo u direy gaar ahaan shacbigga Soomaaliland
iyo guud ahaan shucuubta caalamka Islaamiga ah, munnaasabadda Ciida.
Gudoomiyah Golaha Wakiiladda, Gudoomiyah Kulmiye iyo Gudoomiyaha UCID ayaa
iyaguna hambalyo udiray munaasabada Ciida, shacbigga S/Land iyo caalanmka
Islaamigga ahba
2 Xildhibaan oo kasoo jeeda Sanaag Bari ayaa ku baaqay in xilka laga qaado
Wasiirka ciyaaraha iyo Wasiirka Kaluumaysiga iyaga oo ku eedeynaya innay ka
danbeeyeen xadhigga Maxamuud Cabdi Xaamud (nine).
2 weerar oo xoogleh ayaa lagu qaaday Villa Soomaaliya Shallay illaa maanta.
C/Laahi Yuusuf Nuur Cadde, Sheekh Aadan Madoobe iyo xubnaha barlamaaanka
empegati ayuu ururka IGAD ka codsadday inney dhamaan Neirobi yimaadaan, 1 Oct;
halkaas oo ay shirku leeyihiin Wasiirada Arrimaha Dibadda ee urarka IGAD.
Markabkii Yukreyn laga lahaa waxa ku soo biiraya maraakiibtii hore ee illaa
lineysay, Maraakiib cusub oo ka tirsan Ciidamadda Badda ee Mareynkanka .
Warar cusub oo soo baxay ayaa sheegaya hubka markabkaasi sidaa inuu u socday
koonfurta Suudaan, inkastoo Kenya ayku adkeysanayso in ay hubkaa iyadu leedahay.
Raali gelin : Somalilandhorta waxay raali gelin u gudbinaysaa Maamulka
Garoobe oo ay shallay u aaneysay budhcadda markabka ukreyn lagga leeyahay
haysata .
Warar cusub oo ay heshay ayaa sheegayaa in ay budhcadaasi ka soo jeedo Maamulka
Gal-Mudug.
Guddoomiyihii Is-Maamulka Soomaalid ee Etoobiya ayaa maanta xilka lagga
xayuubiyey
Somalilandhorta
| |
|
|
|