|
|
SOMALILANDHORTA
|
|
Prime Minister Iyo Somaliland - Part 2
September 29, 2008 - Qoraalkii: Axmed Yuusuf Ducaale
Nidaamka Dawladeena iyo maamulkeenu ku dhisan yihiin wa nidaamka loo yaqaan, "Nidaamka
Maddaxweynaha "(Presidential System). Runtii, waa waxaad ogtahay makuu sheegaa.
Nidamkan Madaxweynaha awooda fullinta waxaa iska leh Madaxweynaha, awoodaas oo
Golaha Wasiiradu ka kaalmeeyaan.
Waxuu kaga duwanyahay nidaamkan Madax weynuhu nidaamkii kale ee parlamaanigga
ahaa ee aynu hore u tilmaanay, Madaxweynuhu isagoo ah Madaxweyne Fullineed (
Executive President), xilka kuma waayi karo, cod kalsoonia ah oo Golaha
Parlamaanku u qaado. Geeri, cudur oo hawshiisa ku fullin waayo iyo Impeachment
labadda gole isku raacaan. Impeachmentku intaanu gaarin Golaha Guurtida waa in
uu Golaha Wakiiladu 2/3 (3 daloolow laba dolool)ku ansaxiyaa. Mar kaliya ayaa
intaan xusuusanahay, Impeachment lagu qaaday Madaxweyne reer somaliland ah. Waa
markii ay Marxuum Cigaal xubno Golaha Wakiilada ka mid ahi ku soo oogeen maamuus
ka xayuubin. Kumey guuleysan, waayo mey gaadhin 2/3 larabey .
Nidaamknan Madaxweynuhu uu awooda fullinta leeyahay, waxa uu ka badbaadinayaa
dalalka nidaamkaa ku dhaqma, Is-bedel xukuumadeed oo marwalba ku yimaada.
Dalalka nidaamka baarlamaniga ah ku dhaqma, weliba kuwa hore umaray waa caadi in
Primr Minister kastaa, kalsoonida baarlamaanka waayo, kadibna uu dhaco oo prime
minister cusub xilka loo dhiibo.
Dawladda talyaaniga, haddaynu tusaalo usoo qaadano taas oo nidaamka barlamaaniga
ah ku dhaqanta ku dhawaad tiraba ilaa 60 goor ayaa prime-Minister la magacaabay,
laga soo bilaabo dagaalkii 2aad ee caalamiga ahaa illaa maanta oo aynu joogno
2008. Waxaa la
hellayaa dhawr nin oo Prime Ministernimadda, mar inka badan qabtay. Wuxuu
Talyaanigu ugu adkeystay is-bedelladaa badan ee xukuumiga ah, Dimuqraadiyada oo
guun ah iyo dhaqaalaha oo ku Madax banaan ah oo aanay fara gelinin xukuumaduhu
iyo dalka oo aan ku nooleyn kaalmo dibadeed marka lagga reebo Marshal Plan-kii
guud ahaanba Yurub uu mareykanku ku dhissay dhamaadkii dagaalkii dagaalkii 2aad
ee caalamiga ahaa.
Innaga oo haddeynu reer somaaliland nahay, dhinac kastaba dhismaheenu yabyabad
yahay, maxamili karnaa, isbadello badan oo xukuumadeena haleela, markasta oo
Golaha Wakiilada la noqoto in uu kalsoonaanta kala noqdo? Jawaabtu waa maya.
Somaliland is-bedel xukumadeed oo is dabba jooga maxamili karto danta guud ayaa
ku jirta in aynu ku noolaano maamul degan xasiloon oo uu Madaxweynuhu muddadaa
dhawrka sano ah ee dastuurku siiyay uu hoggaanka dalka uu hayo. Issaga oo sidaa
u haya xilka ayuu Golaha Wasiiradiisa isku badelkooda iyo badhkood shaqo ka
fadhiisintaba, uu gudan karaa. Waxyare badel,intaas aa nagu fillan.
Sidan dastuurku maanta u qoranyahay, Nidaamka barlamaaniga ah, meel ugama
banaana. Haddeynu nidaamkaa qaata is nidhaa, waa in uu dustuurka ku dhacaa,
waxkabadel xoogani.
Taana maanta Somaliland diyaar uma aha. Waxa xaqiiqada u dhow, haddii aynu isku
dayno wax kabal xoogaa leh oo dustaarka ku saabsan in aynu dastuur la'aan ku
dhacno.
Somaliland iyo dadkeedu way aqbaleen fikradda Madaxweynuhu fullinta leeyahay
yeynaan ku furrin wareer cusub oo la xidhiidha nidaamka dalka lagu maamulayo.
Haa waa in lagga wada muuqdaa xeerarka sare ee maamulka dalka iyadoo aynu
tixgalineyno gobolada dalku ka kooban yahay. Haseyeeshee 'Madaxweynaha" lagama
wada muuqankaro. Waayo? waa qof kaliya. Gobol uunbuu kasoo jeedaa, gobolkaasu
kuu doona hanoqdee. Ana isa saxo. Madaxweynaha weynukawada muuqanaa. Waayo?
Gobolkastoo oo dalka ah codbuu ka helay.
Pri Minister la abuuraa wax uu kordhinayaa xaaladeenu sidey maanta tahay, iima
muuqdo. Aynu aamino nidaamkaa aynu kusoo dhaqmaynay laga bilaabo May 18 991 ilaa
maanta.
3-da xisbi qarana haka fogaadaan in ay taageeraan fikradaa Prime Minister hala
abuuro ah, dadweynuhuna Xisbiyadaha haku diidan.
Qoraalkii: Axmed Yuusuf Ducaale
| |
|
|
|