SOMALILANDHORTA


 

 

"Somaliland Hambalyo iyo bogaadin Ayey Ku Muteen 17-kii sano Ee La Soo Dhaafay Ee Ay Ka Badbaadiyeen Halaaga Dadkooda.” Madax/ Ismaaciil C. Geele
September 30, 2008

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Md. Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ugu baaqay dalka Koonfurta Soomaaliya ee ay dagaaladu ka socdaan inay ku deydaan xasiloonida Somaliland, isla markaana waxa uu sheegay inuu taageersan yahay wax-qabsiga iyo nabadgelyada ka jirta Somaliland,

Sida waxa uu Madaxweyne Geelle ku sheegay maanta mar uu khudbad ku wajahan munaasibada ciidul fidriga uu shacbigiisa uga jeedinayey aqalka ummadda.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele waxa uu qiray waxqabsiga Jamhuuriyada Somaliland, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi "Somaliland hambalyo iyo bogaadin ayey ku muteen 17-kii sano ee la soo dhaafay ee ay ka badbaadiyeen halaaga dadkooda.”

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu inta raaciyey oo uu yidhi “Laba shir oo qudha intay qabsadeen ayey dhamaysteen nabad iyo deganaansho in ay ku noolaysiiyeen dadkoodii".

"Ixtiraam bay mudan yihiin [Somaliland] waa inay Soomaaliya eegtaan oo ay yidhaahdaan waar raggani maxay yeeleen? Iyaguba qabiilooyin way leeyihiin, sidee ayey u kareen inay midoobaan, oo muxaafid, mucaarid, oday, Guurti iyo ku kastaba ay u wada hadlayaan.” Ayuu yidhi Madaxweyne Geele oo ah markii ugu horeysay ee uu qiro hanaanka Dawladnimo ee ka hano qaaday Somaliland.

“Haddii khilaaf yimaadana halkaas lagu dhameynayo, iyadoo aan rasaas la isku qaadan," ayuu yidhi Madaxweynaha Jabuuti.

Md Geele, waxa uu Koonfurta Soomaaliya ee ay ku hirdamaan kooxuhu, isla markanaa qalalaasuhu ka jiro u soo jeediyay inay heshiiyaan, waxaanu tilmaamay inaanu caalamku ka yeelayn Heshiis la'aanta ka taagan.

"Shirka Jabuuti lagu qabtay ee Soomaaliya ee ay Dawladda iyo Mucaaridku wada hadleen ayaan Ilaahay uga baryeynaa inuu Ilaahay u soo dhiibo oo uu ka dhex dhaliyo is afgarad, awood qaybsi iyo dejin ay dalkooda dejiyaan," ayuu yidhi Madaxweyne Geelle.

Madaxweynaha Dawlada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele waxa uu ammaan u soo jeediyay ciidamada dalkiisa oo dhawaan dagaal ka la galay wadanka Eriteriya, kaas oo ka dhashay muran Xuduudeed.
 

 





 

 


  Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights reserved.
For problems or questions regarding this web contact [Webmaster].