SOMALILANDHORTA


 

 

Wasiirka Ciyaaraha Oo Jawaab Ka Bixiyey Eedaymo Loo Soo Jeediyey
September 30, 2008


Wasiirka ciyaaraha Somaliland Md. Maxamuud Siciid Maxamed ayaa beeniyey in uu ka dambeeyey xadhigii Maxmauud Cabdi Xaamud (Nayn) oo uu sheegay inuu yahay nin u tafo-xaytay isku dirka beesha bariga Sanaag iyo sidii aanay Diiwaangelin uga qabsoomi lahayn deegaanka.

Wasiirka oo shalay shirjaraaid ku qabtay xafiiskiisa isaga oo daba socday eedaymo ay md.Cabdiqaadir Jaamac Xaamud oo ka tirsan golaha wakiiladda iyo Maxamuud Cabdi Xaamud u soo jeediyeen ayaa sheegay inaanay waxba ka jirin eedaymahaas,isaga oo dhinaciisa si kulul u weerey labadaa masuul.

Waaxaanu wasiirku Mr.Nine ku tilmaamay nin ay dadka deegaanku sas ka qabaab,isaga oo sheegay inuu burburiyay ha'yad wadani ah oo ka shaqayn jirtay horumarinta bariga Sanaag oo ay beesha halkaa degtaa samaysatay.

“Waxa loo xidhay Maxamuud Cabdi Xaamud (Nine) oo uu sheegtay urur la yidhaahdo Calmadow oo ka shaqeysa bariga Sanaag oo uu sheegtay inuu leeyahay, ururkana mar ayuu Agaasimaha Fulinta ka ahaa, waana loo laga qaaday oo ururkaasi ayaa dacweeyay, anigana haddii aanu wasiiradii deegaanka aanu nahay kama dambayno xadhigiisa ee wuxuu ka yimi Xeer-ilaaliyaha Guud oo cid waliba way ogtahay,” ayuu yidhi wasiirku.

Waxa kale oo uu Wasiirku ku hanjabay in aan Mr. Nayn intaa lagaga hadhi doonin ee maxkamad la saari doono, isaga oo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi; “Tii hore ee uu sameeyey ayuu ku badbaaday tana wuxuu doonayaa halkii oo kale inuu maro, taasina mid suurogelisay maaha intaa lagaga hadhimaayo, laakiin sharcigii wuxuu yaalaa ilaa maxkamadda waxaanay dacwadiisa muddaysay ciidda kadib.” Ayuu yidhi; Md.Maxamud Siciid.

Waxa kale oo uu Wasiirku sheegay in aanay waxba ka jirin eedaymo uu u soo jeediyay xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud oo ka tirsan Golaha Wakiilada, kaas hore sheegay in Wasiirada Ciyaaraha iyo Kalluumaysigu ka dambeeyeen xadhiga Maxamuud Cabdi Xaamud. Waxaannu Xildhibaanka ku tilmaamay in aan meesha hadalka looga baahan yahay ee Wakiiladaba aan ka hadal ee uu yahay fartaag wax mudanayaasha kale ee UDUB doonayaan uun eegta.

“Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac waxa uu ka tirsan yahay Golaha Wakiilada muddo shan sanadood ah marna maalin qudha intuu u ka hadlay danaha deegaankiisa dooda Golaha kama uu qaybgelin, wuxuu ahaa fartaag eegta meesha xildhibaanada kale ee UDUB u codeeyaan. Markaa haddii uu hadlayba waan soo dhaweynaynaa,” ayuu yidhi Maxamuud Siciid Wasiirka Ciyaaruhu.

__

Source: Jamhuuriya