|
|
SOMALILANDHORTA
|
|
Madaxweyne Rayaale Iyo Ku-xigeenkiisa Oo Laba Masaajid
Oo Kala Duwan Ku Kala Tukaday Salaada Ciidal Fidriga iyo Khubadihii Ay Jeediyeen
September 30, 2008
Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ayaa saaka kala qeybgalay
kumanaan qof reer Somaliland Salaadii Ciidal Fidriga Masaajidka weyn ee
musta-jaamacamaca ee Magaalada Hargeysa.
Madxweynuhu waxa uu shacbiga Ilaahay uga baryey inuu ciidan Ciideeda bash-bash
iyo barwaaqo ku gaadhsiiyo.
“Ilaahay Waxaan ugu mahadnaqayaa amniga iyo iimaanka uu dalkeena ugu taliyey,
Waxaanan Ilaahay ka baryayaa inuu inoogu sii wado” ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale.
Md. Rayaale waxa uu Hanbalyo u diray Shacbiga Reer Somaliland meelkasta oo ay
joogaan xuska Munaasibada Ciidal-fidriga awgeed. “Waxaan hanbalyo u dirayaa
dhamaan ummada reer Somaliland meelkasta oo ay ka joogaan, waxaanan Ilaahay ka
baryayaa inuu sanadkan sanadkiisa innaga oo sidan ka fiican inagu gaadhsiiyo”.
Madaxweynaha Somaliland waxa salaadda ciiddul fidriga wehelinayay Wasiirada
Arrimaha Gudaha Md. Cabdilaahi Ismaaciil Cali [Cirro], Wasiirka Duulista Hawada
Md. Cali Maxamed Waran Cadde,Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Guurtida,
Md. Sh Axmed Sh. Nuux Furre, Maayarka Caasimada Hargeysa Eng Xuseen Maxamud
Jiciir iyo Xildhibaano iyo Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Somaliland.
Dhinaca kale Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Md Axmed Yuusuf Yaasin ayaa
isaguna salaadi ciidal fidriga kala qeybgalay Shacbiga reer Somaliland, oo isaga
kula masaajidka 26 juune ee Magaalada Hargeysa, waxa uu sharciga reer Somaliland
Ilaahay uga baryey inay sanadkan sanadkiisa ku gaadhaan bashbash iyo barwaaqo.
Sidoo kale waxa Magaalada Hargeysa, Salaadii ciidda lagu tukudaday Garoonka weyn
ee Hargeysa stadium, Garoonka Xawaadle, Garoonka Guryo Samo, Garoonka Biibsiga
iyo Masaajidada, waxaana Culimadu ay shacbiga u jeedinayeen khudbado diini ah oo
ku saabsan munaasibada Ciida iyo fadliga bishii ramadaan, waxaana ay bulshadu
iskugu hambalyeynayeen farxada ciidda.
Sida ay ku soo waramayaan Weriyayaasha Gobolada dalka ee Shabakada Wararka
Hadhwanaagnews.com in guud ahaan gobolada iyo degmooyinka dalka si fiican looga
ciiday, ciida salaadal fidriga oo maanta si farxad leh loo damaashaadayey.
__
Source: Hadhwanaag News
| |
|
|
|