images (5)

Haween Kulmiye Katisan Oo Ku Gacan Saydhay Go’aankii Guurtida

 

(SOHTA,HGSA) June 10, 2014-Hotel Crown ,HGSA, haween ka tirsan Xisbigga Kulmiye Oo isaga yimi Burco,Sheekh, Berbera, HGSA iyo Gabiley , halkaana shir ku qabsaday ayaa gaashaanka ku dhuftay go’aankii

ay Gudiddii ka tirsaneyd golaha Guurtidu kaga dhawaaqday Madaxtooyada; kaas oo ay ku tilmaameen in uu ahaa Gar eexo,isla markaana reeraysan .Haweenka shirkaa iskugu yimmi ayaa halkaa ka cadeeyay Muuse Biixi iyo iyagoo ahaa cududii codeed ee Siilaanyo kursiga saartay in aan Muuse , iyagaiyo intii la aragti ahayd, midna aanan abaalkoodii aan la marin markii Muuse Biixi badheedh gadh eexo loogu riday. Waxa ay haweenkii halkaa ka hadlay iyana xuseen dhawr Wasiir uu xilka qaadistooda si gaar ah u dhadhansaday sida Maxamed Xaashi,Boobe Aw-Yuusuf Ducaale iyo Maxamed Cabdilaahi Cumar oo ay isku Xisbi ahaanta ka sokow haweenku sigaara u tirsanayeeen,iyadoonu Madaxweynuhu ilaa maanta Wasiir Bariga Burco ka soo jeeda weli xil ka qaadin. Kulankan haweenka ee maanta oo ay Xukuumadu ka yaabtay, marka lagudarro soo dhaweyntii Jamaal Cali Xuseen ee shalay ayey sheegayaan ilo Madaxtooyada ku dhowdhawi in gariirkii Madaxtooyada kudhacay ,dad Madaxtooyada kujiraa ay isweydiinayeen,”Waar ba’aa, Xaggey wax u socdaan”?.

Leave a Reply