Muj-Boobe-326x245-80x106

xuskii xasuustii marxuum Axmed Ismaciil Diiriye ayeynu weli ku jirnaa aynu wadaagno’

Axmed Ismaaciil Diiriye oo Qaasin loo yaqaannay raad aan abid
tirmayn oo fan iyo farshaxanba cokan ayuu kaga tegay suugaanta
Soomaaliyeed. Qaasin naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo
e’, suugaan hodan ah oo dibad iyo gudeba maaxday oo hadaaq
iyo halhaysba u noqotay ummadda Soomaaliyeed meel ay
joogtaba ayuu inooga tegay. Qaasin xilli tusmadiisa iyo
tilmaantiisaba lahaa ayuu kaga beegmay suugaanta
Soomaaliyeed. Qaasin wuxu gabyayay xilli kala-guur ahaa oo laga
soo gudbayay suugaantii qabaliga ahayd loona soo gudbayay
suugaantii dareen-dhalinta, guubaabinta iyo xornimodoonka ahayd
ee lagu baadi-goobayay dalalkii Soomaaliyeed ee gumeysigu
qaybiyay. Qaasin wuxu gabyayay xilli gabaygu baadi-sooc u ahaa
miyiga iyo dadka baadiyaha ku dhaqan oo aanu meel ku lahayn
magaalada. Xilli reer magaalku maansada u haysteen wax loo
nisbeeyo dadka danbeeya ee baadiyaha ku nool. Xilli guud
ahaanba marka aad fanka eegto ay reer magaalku ku
koobnaayeen heesaha iyo masraxii xilliyadaa curanayay.
Xilliyadaa ayuu Qaasin ahaa calan-sidihii laba da’ood oo kala-guur
ku jiray. Maanso kasoo digo-roganaysay qabyaaladdii oo
curinaysay dareen waddaninimo isla markaana reer-
magaaloobaysay.
Qaasin derbigaa suugaaneed ayuu jebiyay. Wuxu ku dhiirraday in
uu Gabaygii ka tiriyo magaalooyinka. Kama tirin oo keliya e’, wuxu
noqday halkudheg iyo hadaaq guri walba yaal. Habka falkinta
tixda, u-meel-deyidda halka looga maydhax-diirayo,
hummaagyada iyo muuqaallada is-kaabaya ee dhex-taalka iyo
dharkaba u ahaa maansadiisa ayaa ka dhigay mid la majeerto oo
miyi iyo magaalaba la jeclaysto. Maansada Qaasin waxay dabarka
goosatay oo qof kasta oo dalka jooga iyo mid dhoofayayba sahay
u noqotay markii uu ku luuqeeyay Maxamed Mooge Liibaan oo
isna xilliyadaa iyo xilliyo danbeba ahaa foolaadka hooballada
Soomaaliyeed ee u ambo-baxay luuqda iyo alooskeedaba.
Qaasin wuxu intaa ku darsaday xulashada abbaartii uu ka
maansoonayay ee siyaasad, dhaqan, falsafad iyo kaftanba lahayd.
Aqoon fiican oo hodan ah ayuu u lahaa dalka iyo dadka
Soomaaliyeed. Isaga oo Somaliland ku dhashay kuna barbaaray

2
ayuu Cadan tegay. Markii uu soo noqdayna wuxu ka mid noqday
shaqaalihii dawladda taas oo fursad u siisay in uu ka hawl-galo
degaanno door ah sidaana kula fal-galo qaybo badan oo
mujtamaca Soomaaliyeed ka mid ah. Midnimadii lixdankii ka dib
ayay aqoontiisii iyo suugaantiisiiba sii fideen sidaana ku gaadhay
qaybo kale oo hor leh oo Soomaaliyeed.
Beryihii uu ku jiray Dugsiga Dhexe ee Sheekh, tuducyadii Qaasin
ku socod-bartay waxa ka mid ahaa:
“Biliis Bedenoow wax baran maayee,
Bogsiiya mar ma soo bariidshaa”,
Mar uu Carabta joogay farriin uu soo diray ayaa ahayd:
“Barbaarta tolkay ahee baxaysaay,
Boogsiiya Qaasin wuu bukaa dheha,”
Tuduc kale oo sheekadaa ku taxnaa oo halhays aad u faafay
noqday oo Qaasin tiriyay isna wuxu ahaa:
“Hadmuu dooxa Herer Dekedo yeeshoo,
Dunbuluq laga raacay doonyaha,”
Midhihii tisqaaday ee Qaasin ee tabashada iyo calaacalka
daarranaa, waxaynu ka soo qaadan karnaa:
“Cilmibay Hodan kala halleeyeen,
Hooggayga anna ma I haleeleen,”
Beri danbe oo uu Hargeysa ku soo noqday isaga oo saaxiibbadii
calaacal-wareysanaya waa kii lahaa:
“Gataati-dhac baan guryaha ku imee,
Gargaara miyaa la guursaday,”
Buyuuddii Qaraamka ee caan-baxday ilaa maantadaa aynu
joognana la wada xusuusan yahay ee Axmed Ismaaciil Diiriye
“Qaasim” waxa kale oo ka mid ah:
“Habeen yahow dheeri waad I dhibtee,
Dharaartuna iima kaa dhaantoo,
Waa ii kala dhigan tiin dhibaatada,”

3
Nin ay saaxiibbo iyo kaftan-wadaagba ahaayeen oo Golos la
yidhaahdo affarrey uu ku tuuray ayaa ahayd:
“Golosoow awrki garab-ku-daaqa yaqaan,
In kastoo ganafkiyo gafuurka la xidho,
Goodaadsi ma daayo geeddiga,
Mar kale isaga oo xifaalaynaya saaxiibkii Golos, Qaasin wuxu
yidhi:
“Golosoow Dhego-weyne kala dhimatee,
Ha dhuuman dhabarkoo ku soo jeedoo,
Ninkaad dhacday hayska dhego-tirin,
Dheel-dheel ha ka dhigin dhirtaad hadhsatee,
Markaad dheregtaad dhufayska gashee,
Ku dhimatee Herer iskaga dhoof,”
Qaasim wuxu xubin ka ahaan jiray urur ijtimaaciya oo ay ku
bahoobeen dhallinyaradii berigaa kacday ee wax-baratay oo la
odhan jiray “SOBA” halqabsigooduna ahaa: “Al-Madar”. Qaasim
isaga oo dhallinyaradaa canaan iyo guubaabinba isugu daray tix
uu tiriyay 1957kii wuxu ku yidhi:
Nimankii Al-madar een lahaa, Odayaday dhaami,
Isticmaarka nimankaan lahaa, udubaday saari,
Ingiriiska nimankaan lahaa, Orobba way dhaafin,
Dhulka ololay buuraha la qoday, uunka kala guuray,
Ololaha colaaddiyo dhirtiyo, uuh-da dami wayday,
Ummulaha la dooxiyo raqdaa, haadku ku habsiiyay,
Riyaa eeday Idahaa la qaliyo, geela la af-duubay,
Sangaa orod daraadii dhexdii, Udub ka dhuubnaatay,
Ummaddaa xumaataan lahaa, haw arrimiyeene,
Ula-jeeddadoodaan adkayn, aayatiin ma lehe,
Awr heeryadii cunaba waa, lagu ogaadaaye,
Imikay af kor u taagayaan, edeb la’aaneede,
Malaa se ways moogyihiin, obocda hoos-taalle.
Tixihii Qaasim ee kaftan-siyaasadeedka ahaa waxa ka mid ahaa
mid uu tiriyay ololihii doorashadii 1964ki, oo uu si gaar ah ugu
xifaalaynayay walaalkii Sanyare oo ay ku qaybsanaayeen
himilooyinka siiyaasadeed. Haddii aynu tuduc ka soo qaadanno
waa kii lahaa:

4

Sanyarow dharkayn lama cuno iyo, midho dhunkaaleede;
Dhadhamooyin badan baa jiroo, aad ku dhimataaye;
Dhereg ma laha dhuunigaan, cunaha dhaafayne;
Hal libaax dharqaday uu jidh iyo, dhiigba ka idleeyay;
Haw dhuran dhurwaagii, laftuu dhuuxay eersadaye;
Tixaha caan-baxay ee Qaasin waxa ka mid ah “Macaan iyo
Qadhaadh” tixda la magac-baxday. Waa tix dhumuc iyo qotonba
aad u qodan oo ay adag tahay sida gunteeda lagu gaadha. Waa
tix daarran sirta xeesha dheer ee nololeed. Waa tix si cad oo aanu
mugdi ku jirin u cabbiraysa murugsanaanta qofka beni-aadamka
ah ee ay adag tahay sida lagu dhex gala gudihiisa, taas oo u
rumowday Ilaahay oo keliya oo uu sidaana ku sifoobay “Caalimul
Quluub”. Qaasin tixdan murtida iyo xikmaddaba xanbaarsan wuxu
kaga faalloonayaa sida uu u murugsan yahay qofka beni-aadamka
ahi. Waxa laga yaabaa in ay dadka qaarkii u qaataan in uu Qaasin
ka hadlayay naftiisa. Xaqiiqadu se waxay tahay in aanu Qaasin
naftiisa oo keliya ka hadlayne uu ka maansoonayay sida aynu u
badan nahay oo aanay inteenna badani ku dhici karin. Intii aynu
isku odhan kari weynay, intii aynu iska odhan kari weynay ayuu
Qaasin isaga oo naftiisa ku soo halqabsanaya inagu yidhi ama
inaga yidhi. Bal u fiirsada sida murugsan, caqidan ee
farshaxannimada leh ee ugu maansooday inta midab ee uu qofku
yeelan karo. Ka-sokow quruxda iyo bilicda uu maansada ku
falkiyay, waxa mudan in hoosta laga xarriiqo siduu ugu dhiirraday
in uu isa sawiro isaga oo runtii dhammaanteen wada sawiraya.
Macno yeelan mayso maansadani haddii Qaasin oo keliya loo
qaato. Waa wax ina wada daarran….Waa wax Soomaali oo dhan
saamaysa….Waa wax geeska Afrika iyo Afrikaba daarran. Waa
tacbiir si qurux badan oo aan turxaan lahayn u taabanaysa
dabciga iyo duunka qofka beni-aadamka ah ee noolaa xilligaa uu
Qaasin maansada tiriyay.
Ilaahay naxariistii Janno ha ka waraabiyo e’, malaha maanta
Qaasin iyo qayrkiiba waa ay ku adkaan lahayd in uu sawiro qofka
maanta jira ka dib dumistii dalka ee duunkii iyo damiirkiiba
raaceen. Bal ka warrama cidda maanta sawir dhab ah ka bixinta
karta murugsanaanta burburkii iyo qaxii ka dhalatay.
Wuxu yidhi:

5

Dacartuba mar bay malab dhashaa, muudsataa dhabaqe,
Waxaan ahay macaan iyo qadhaadh, meel ku wada yaale,
Midigtayda iyo biddixdu waa, laba mataanoode,
Midi waa martida soora iyo, maata daadihise,
Midina waa mindiyo xiirayiyo, mur iyo deebaaqe,
Masalooyin talan-taalliyaan, maandhaw leeyahaye,
Nin majiire keliyuun qabsaday, hay malaynina’e,
Mar baan ahay muddeec camal-sanoon, maagista aqoone,
Marna macange laayaan ahoo, miigan baan ahaye,
Mar baan ahay nin xaaraan maqdac ah, marin jidiinkiiye;
Marna tuug mugdiga guda-baan ahoon, maal rasuul bixine,
Mar baan ahay guurtiyo baanisaba, madaxda reeraaye,
Ay weliba muuniyo dulqaad, igu majeertaane,
Marna reer-magaal loofaroo, lunsan baan ahaye,
Waxaan ahay nin midabaynayoo, maalinba is-roga e’,
Muuqaygu gelinkiiba waa, muunad gooniyahe,
Miisaanna ima saari karo, nin I maleeyaaye,
Muslinka iyo gaalada dirkaba, waan macno-aqaane,
Malaa’iigta Naartiyo Janaddu, waygu murantaaye,
Intaasoo mahadho kala-kaan ahoo, la igu maasheeyay,
Maah-maahahaan soo dul-maray, doqoni waa mooge,
Ninkiise maalmo badan soo jiray, ee madaxu boosaystay;
Ee inan-rag maamulayayba, waa I maan garane;
Nin kastawba halkii kula

Leave a Reply