Missing image

Clinton oo lagu cadaadinayo inay mar kale la tartanto Trump

13 Nofembar 2019
La wadaag qodobkan Facebook La wadaag qodobkan Messenger La wadaag qodobkan Twitter La wadaag qodobkan Email La wadaag
Lahaanshaha sawirkaPA MEDIA
Image caption
Hillary Clinton
Hillary Clinton ayaa sheegtay in ay wajahayso culees badan oo kaga imaanaya saaxiibada iyo taageerayaasheeda oo ku aadan in ay markale la tartanto Donald Trump.

Iyada oo la hadlaysay BBC ayay sheegtay in aysan meesha ka saaraynin suurtagalnimada ah in ay tartanka kusoo biirto.

Clinton oo 72 jir ah ayaa sheegtay in had iyo jeer ay ka fikirto “madaxweyne ceynkee ah ayaan noqon lahaa, haddii aan 2016-kii ka guuleysan lahaa Trump.

17 musharax oo xisbiga dimoqoraadiga ayaa haddaba shaaciyay in ay u tartamayaan xilka madaxtinimada Maraykanka.

Clinton ayaa wariyaha BBC-da ku tiri ” halkan hadda aan kula fadhiyo ee Studiyaha ah, arrintaas qorshahayga kuma jirto” ayay tiri Clinton.

Waraysigan ayaa ka dhacay magaalada London, halkaas oo ay ay u tagtay hawlo la xiriira buug ay wada qoreen iyada iyo gabadheeda Chelsea Clinton.

Trump oo ka xumaaday Clinton oo akhrisay buugga laga qorey isaga
Trump oo casuumay Obama walaalkiis
Cadaadis cusub oo soo food saaray aqalka Cad
Is reeb-reebka musharixiinta ee xisbiga dhexdiisa ayaa bilaaban doona bisha feberaayo ee sanadka dambe, waxaana la go’aansan doonaa musharaxa qura ee soo bixi doona si uu ula tartamo Trump.

Clinton ayaa markii sedexaad u tartamaysa xilka madaxtinimada.

Hadal haynta in ay Clinton kusoo biireyso tartanka ayaa maalinba maalinta ka dambeysa kusii xoogaysana ardaayada Washington ee siyaasadda lagu karkariyo.

Mowduucyada la xiriira

Leave a Reply