Missing image

Qoyska Caaisha Ilyaas oo soo Dhaweeyay Go’aanka Puntland.

Puntland ayaa ku dhawaaqday in 11-ka bisha danbe ee Febraayo la qisaasi doono 3-da nin ee lagu helay kufsi iyo dil magaalada Gaalkacyo ay ugu geysteen Caasha Ilyaas oo ahayd gabar 12 jir ah.

Ilyaas Aden, Caasha aabaheed, ayaa soo dhaweeyay go’aanka maanta ka soo baxay xeer ilaaliyaha Puntland, wuxuuna sidoo kale u mahadceliyay cid walba oo taageerro u muujisay.

Falka kufsiga Caasha Ilyaas ayaa waxaa si weyn uga cadhooday Somaalida ku nool gudaha iyo dibedda, iyagoo dalbaday in sharciga la marsiiyo dadkii falkaasi ka danbeeyey. Warbixintan waxaa Garowe ka soo diray Nuux Muuse Birjeeb.

EMBED SHARE
Dhageyso Warbixinta Kiiska Caaisha Ilyaas
by VOA
EMBED SHARE
The code has been copied to your clipboard.

The URL has been copied to your clipboard
La wadaag Facebook
La wadaag Twitter

https://www.voasomali.com/a/5242387.html

No media source currently available

0:002:51
0:03
Direct link
Pop-out player

Leave a Reply