Missing image

Ninkii uu aaskiisa baadqay ee maalintii xigtay loo tagay isagoo nool

Dhacdadaan ayaa waxay ka dhacday gobolka Tamil Nadu ee dalkaasi Hindiya. Ma cadda sababta keentay in Balasobramaniam marki hore la yirahdo wuu geeriyooday sidaasina lagu geliyo firinjeerka meydadka lagu keeydiyo ilaa maalintii xigtay.

Shaqaalaha qaabilsan iney isbitaalka ka qaadaan meydka oo ay geeyaan goobta aaska loogu sameeynayo ayaa waxay arkeen ninkan oo gariiraya waxayna dareemeen inuu weli nool yahay. Waxaa markiiba loo gudbiyay isbitaal kale.

Hase yeeshee Balasubramaniam ayaa hadana shaaciyay inuu Jimcihii geeriyooday.

Doctor Balajinathan, oo ah maamulaha isbitaalka dowladda ee ku yaalla magaalada Salem ayaa sheegay in ninka uu u muuqday nin hurda markii tallaagadda laga soo saaray kadib, waxa uuna markii dambe u geeriyooday dhibaato la xiriirta sanbabbada.

Waxa uu BBC-da u sheegay ineysan cadeyn inta saacadood ee uu subramanium ku jiray firinjeerka meydadka.

Halkee ayuu ku dambeeyay ninkii isagoo qabriga loo wado soo toosi jiray
‘Waxaan u hadlaa qofka meydka ah’
Kaddib markii Isniintii dhakhtar ka hawgala isbitaal si gaar ah loo leeyahay uu shaaciyay geerida subramanium ayay qoyskiisa maamulaha qaabilsan aaska ka codsadeen in meydkiisa loogu keydiyo firinjeerka.

Waxaana qoyskiisa lagu wergeliyay in maalinta Talaadada ah aas loo sameyn doono.

Maamulaha qaabilsan aaska ayaa sheegay in wiil la dhashay Balasubramaniam uu u sheegay inuu hayay warqad uu saaxiixay dhakhtarka taasi oo muujineysa geerida walaalkii.

Taliyaha booliska ayaa sheegay in sidoo kale ay qoyskiisa sheegeen in Balasubramaniam uu qabay xanuun dhanka neerfaha ah.

Balasubramaniam waxa uu la noolaa xaaskiisa, laba gabdhood oo uu dhalay iyo walaalkii.

Ma aysan suurogelin in la ogaado sida uu ugu noolaa heerkulka aadka u hooseeyo ee firinjeerrada.

Waxaan sidoo kale la ogeyn in la sameeyay baaritaan ku aaddan isbitaalka gaarka loo leeyay oo ah halka markii hore laga shaaciyay geeridiisa.

BBC-da ayaa isku dayday iney xiriir la sameeyso isbitaalka gaarka loo leeyahay iyo qoyskiisuba, balse taasi ma suurogelin

Leave a Reply