Missing image

XAYEYSIIN ‘Magaalo dahabi ah oo luntay’ oo laga helay Masar oo muujinaysa nolosha boqorradii faraacinada ee hore

A new archaeological discovery is seen in Luxor, EgyptXIGASHADA SAWIRKA,REUTERS
Qoraalka sawirka,
Magaalada qadiimiga ayaa laga helay meel u dhaw meel u dhaw mid ka mid ah taallooyinka aadka loo yaqaan ee Masar

Soo helista magaaladan 3,000 ee sano jirka ah ee ku dhex aasantay ciida waddanka Masar ayaa helitaankeeda loogu riyaaqay inay tahay mid ka mid ah waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee la gaaray tan iyo helitaankii qabrigii Boqor Tutankhamun.

Ninka ku caan baxay taariikhda Masar, Zahi Hawass, ayaa Khamiistii shaaciyay helitaanka “magaalada dahabka ee luntay” ee laga helay meesha u dhaw magaalada Uqsur.

Wuxuu sheegay in baaritaankaas lagu soo helay magaaladii ugu weyneyd ee qadiimi ah, ee loo yaqaanay Aten, weligeedna aan laga soo helin waddanka Masar.

Waxaa lagu soo helay usbuucyo uun gudahood markii qoditaankeeda la bilaabay bishii Sibteembar 2020

Leave a Reply